9/22/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 15, 2012
Shir looga hadlayo dib u dhiska Soomaaliya oo lagu qabtay Magaalada Chicago ee Dalka Mareykanka

Axad Sunday, April 15, 2012 (HOL) - Shir ay wadajir u soo wada qabanqaabiyeen hayadaha kala ah Somali Strategy Forum iyo WEInstitiute ayaa maalintii Sabtida ahayd ee bisha Abriil 14keedii lagu qabtay magaalada Chicago ee dalka Maraykanka.

Shirkaan oo ay ujeedadiisu ahayd in Soomaaliya loogu diyaar gareeyo qorshe horumariya dhinacyada dhaqaalaha iyo bulshada (Economic and Social Development) ayaa waxaa ka soo qayb-galay dadweyne ka kala yimid magaalada Chicago iyo nawaaxigeeda.

Gudoomiyaha ha'yada Somali Strategy Forum, Yusuf A. Maalin, ayaa ugu horeyntii halkaas ku soo dhoweeyey dadkii ka soo qayb galay shirkaas. Waxa uu ka warbixiyey howlaha iyo qorshaha haydiisu ku talo jirto inay ka fuliso Soomaaliya.

Arnold J. Romeo oo ah sarkaal sare oo ka tirsan xafiiska duqa magaala Chicago ayaa fariin uu ka siday duqa magaalada Chicago Rahm Emanuel halkaas ka aqriyey. Duqa magaalada Chicago ayaa fariintiisa ku sheegay in uu marwaliba garab taaganyahay shacabka Soomaaliyeed kaalmana uu ka geysandoono gaar ahaan Soomaalida ku nool magaalada Chicago oo lagu qayaasay in ay ka badan yihiin 3000 oo qofood.

Guddomiyaha hayada National Strategy Forum, Robert Friedman, iyo madaxa hayada World Engagment Institute , Charles Tucker, ayaa iyaguna ka hadlay rajada ay kaleeyahiin in ay hayadhoodu ka hirgaliyaan barnaamijyo ay ku taageerayaa horumarinta dalka Soomaaliya oo ay xusseen in ayuu waqti dheer ku soo jiray burbur ba’an.

Mr. Sumit Bisarya oo katirsan hay’ad ay dowlada ku meel gaar ah ee Soomaaliya ay u xil saartay qoraalka dastuurka oo la yiraahdo International Development Law Organization (IDLO) ayaa isaguna ka warbixiyey dastuurka qabyada ah ee Soomaaliya loo samaynayo. Waxa kaloo isaguna dastuurka ka hadlay Dr. Thomas Ginsburg oo ah macalin ka ah University of Chicago kana mid ah dadka wax ka qoraya dastuurka Soomaaliya.

Dr. Hodan Ciise, Dr. Fowsiya Abraar, Fowsiya Cabdulqaadir, Ibraahim Aye iyo Dr. Maxamed Cali Abuukar ayaa ka kala hadlay dhinyada nabadeynta, dib u dhiska, dhaqaalaha, caafimaadka, waxbarashada iyo horumarinta beeraha. Waxayna sheegeen in la soo gaaray xilligii aqoonta dadka dibada jooga ay geyn lahaayeen dalka Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale halkaas ka hadlay Qunsulka dalka Turkeya u fadhiya Bariga-Galbeed (Midwest) ee dalka Mareykanka Ftih Yildiz oo ka warbixiyey howlaha ay dalka Turkiya ka wadaan dalka Soomaaliya.

Dadweynihii shirkaas ka soo qayb-galay ayaa si weyn uga dooday qodobadii la soo bandhigay oo ay ka mid ahaayeen Dastuurka, Waxbarashada dib u dhiska ciidamada, dimoqaraadiyadda, horumarinta beeraha iyo kaalinta qurba-joogta ay ka qaadan karto dhismaha dalka Soomaaliya.

Agaasimaha hay’adda Somali Stratagy Forum Yuusuf Maalin oo u waramiyey Hiiraan Online ayaa sheegay in ay wadaan qorsho ay rabaan in ku tababaraan qurba-joogtai ay qayb uga qaataan dib u dhiska Soomaaliya. Yuusuf ayaa sheegay in ay tababaridoonaa aqoonyahanada Soomaaliyeed ee ku nool gudaha Soomaaliya.

Madaxa hay’adda World Engagment Institute Charles Tucker oo dhawaan ka soo laabtay socdaal uu ku tagay magaalada Muqdisho ayaa rajo weyn ka muujiyey xaaladda dalka Soomaaliya mar uu u waramyey HOL. Charles Tucker ayaa sheegay in nabadgalyada Soomaaliya ay ku xirantahay dadweynaha gaar ahaan dhallinyarada oo loo abuuro xirfado ay ku shaqeystaan iyo ganacsatada oo laga kaalmeeyo sidii ay ganacsigooda horay ugu marinlahaayeen.













Click here
4/15/2012 1:17 PM EST
Axad, April 15, 2012(HOL): Munaasabad si weyn loo soo agaasimahay oo lagu furayey garabka Xisbiga TAYO PARTY ku yeelanayo wadanka Holland ayaa maanta waxaa lagu qabtay magaalada xarunta u ah siyaasada Dalka Netherlands ee Denhaag, Waxaana kasoo qeybgalay xafladaasi dadweyne aad u badan oo ka kala yimid dalka Holland iyo Halgamaa Abdiqadir Boolaay oo ka yimid UK.

4/15/2012 12:40 PM EST
Axad, April 15, 2012 (HOL)- Shirweynihii golaha dhexe ee xisbiga Taladda haya ee KULMIYE ayaa maanta ku soo gabogaboobay buuq ka dib markii gudoomiye ku xigeenkii kowaad Cabdiraxmaan Cabdiqaadir lagu eedeeyey inuu ka horyimid sharciga KULMIYE, sidaas darteed golaha dhexe laga codsaday in xil xayuubin iyo xubinimadii xisbiga laga saaro.

4/15/2012 8:17 AM EST
Axad, Abriil 15, 2012 (HOL) — Roobabkii gu'ga ayaa ka curtay Koonfurta Soomaaliya gaar ahaan degmada Balad-xaawo ee gobolka Gedo, iyadoo muddo saacado ah uu ka da'ayo roob degmadaas oo ku dhow soohdinta ay wadaagaan Somaaliya iyo Kenya.

4/15/2012 8:02 AM EST
Axad, Abriil 15, 2012 (HOL) — Maxkamadda darajada koowaad ee Boosaaso ayaa ku xukuntay maanta oo Axad ah nin lagu qabtay sagaal caruur aad u da'yar oo uu kasoo xaday gobollada Koonfurta Soomaaliya.

4/15/2012 7:39 AM EST
Axad, Abriil 15, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa weydiistay ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Meles Zenawi inuu gacan ku siiyo dowladdiisa sidii ay Soomaaliya oo dhan uga saari lahayd Xarakada Al-shabaab oo uu sheegay inay caqabad ku tahay ammaanka gobolka oo dhan.

4/15/2012 7:26 AM EST
Axad, Abriil 15, 2012 (HOL) — Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha golaha fulinta ee Ahlusunna Waljamaaca, Sheekh Maxamed Yuusuf Xeefoow ayaa maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee degmada Guriceel iyagoo kusii jeeda magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

4/15/2012 7:05 AM EST
Axad, Abriil 15, 2012 (HOL) — Saddex ka mid ah ilaalada ra'iisul wasaaraha DKMG ah ee Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali oo uu ku jiro madaxii ilaalada oo Cali Yare lagu magacaabo ayaa loo qabtay qaraxii Tiyaartarka Muqdisho ka dhacay afartii bishan kaasoo ra'iisul wasaaruhu uu ka badbaaday.

4/15/2012 6:53 AM EST
Axad, Abriil 15, 2012 (HOL) — Ugu yaraan laba qof oo ganacsato ah ayaa lagu dilay qarax maanta ka dhacay degmada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo, iyadoo qaraxaas ay ku dhaawacmeen tobaneeyo qof oo ay ku jiraan ciidammo ka tirsan kuwa DKMG ah.

4/15/2012 6:14 AM EST
Axad, Abriil 15, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa gobollada ay gacanta ku heyso ka mamnuucday ka ganacsiga qaadka, iyadoonaa saraakiisha Al-shabaab ay sheegeen in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono cidii qaadka soo gelisa gobollada ay gacanta ku hayaan ee koonfurta Soomaaliya.

4/15/2012 6:11 AM EST
Axad, Abriil 15, 2012 (HOL) — Warar dheeri ah ayaa kasoo baxayo dagaan culus oo shalay gelinkii dambe ilaa xalay ka dhacay deegaanka Xayo ee gobolka Jubada Hoose, kaasoo u dhexeeyay xoogagga Al-shabaab iyo ciidamada dowladda KMG oo garab ka helaya kuwa Kenya.

4/15/2012 3:25 AM EST
Axad, Abriil 15, 2012 (HOL) — Qaar ka mid ah culumaa’uddiinka Soomaaliyeed ayaa sheegay in dhibaatadda ka jirta dalka uu sabab u yahay jahliga, iyadoo hadal ka sheegay munaasabad lagu qabtay Muqdisho oo lagu soo bandhigayay buugaag cilmi ah oo Muqdisho ka dhacday.

4/15/2012 3:04 AM EST
Axad, Abriil 15, 2012 (HOL) — Kumannaan qof oo cuna jaadka ayaa u soo guuray Muqdisho, kaddib markii Al-shabaab ay ka joojisay gobolladii ay ku noolaayeen oo ku yaalla Koonfurta Soomaaliya cunista jaadka.

4/15/2012 2:55 AM EST
Axad, Abriil 15, 2012 (HOL) — Isbitaallo ay dowladda Turkigu ka dhistay Muqdisho ayaa lagu wadeeyay boqolaal kun oo bukaanno Soomaaliyeed ah, sida ay sheegeen dhaqaatiirta ka howlgalaysa isbitaalladaas oo la hadlay wakaaladda wararka dalka Turkiga.

4/15/2012 2:34 AM EST
Axad, Abriil 15, 2012 (HOL) — Madaafiic hoobiyeyaal ah oo la aqoon khasaaraha ay geysteen ayaa xalay lagu weeraray markii saddexaad muddo laba bilood gudahood ah xarunta madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo mas'uuliyadda weerarkan ay dusha u ridatay Xarakada Al-shabaab.