9/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 15, 2012
Hay'adda Culummada Soomaaliyeed oo sheegtay in dhibaatada ka taagan Soomaaliya uu sabab u yahay Jahliga

Axad, Abriil 15, 2012 (HOL) — Qaar ka mid ah culumaa’uddiinka Soomaaliyeed ayaa sheegay in dhibaatadda ka jirta dalka uu sabab u yahay jahliga, iyadoo hadal ka sheegay munaasabad lagu qabtay Muqdisho oo lagu soo bandhigayay buugaag cilmi ah oo Muqdisho ka dhacday.

Munaasabadda oo ahayd mid si heer sare ah loosoo agaasimay isla markaana ay ka qayb-galayeen qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa lagu soo bandhigayay kutub kala duwan oo ka hadlaya faa’iidooyinka ay leeyihiin cilmiga maadiga ah iyo kan diiniga ah.

Bandhigan ayaa ah midkii ugu horreeyay noociisa oo Muqdisho muddo labaatan sano ah, waxaana soo qaban-qaabisay daarta ZEYLC ee daabacaadda iyo faafinta kutubta iyadoo bandhiggan uu socon doono muddo hal todobaad ah si ay dadka Muqdisho ku nool uga faa'iideystaan.

Tirada buugaagta ama kutubta lasoo bandhigay ayaa waxay gaarayaan 3,000 oo isugu jira qaybhaa kala duwan ee culuunta iyo funuunta, waxaana buugaagtaas lagu soo daabacay dalalka Masar, Siiriya, Lubnaan, Ingiriiska, Mareykanka iyo dalal kale oo calaamka ku yaalla.

Guddoomiyaha daarta ZEYLAC ee daabacadda iyo faafinta buugaagta, Maxamed Axmed Shiil oo goobta ka hadlay ayaa sheegay inay sanad walba soo bandhigi doonaan buugaag kala duwan, isla markaana ay sii kordhin doonaan buugaagta lasoo bandhigi doono.

Kulanka oo ay ka goobjoog ka ahaayeen culummo, aqoonyahanno, qaar ka mid ah barayaasha jaamacadaha ku yaalla Muqdisho iyo arday ayaa waxaa lagu soo bandhigay buugaag faa'iido badan.

Guddoomiye ku xigeenka hay’adda culummada Soomaaliyeed, Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ka mid ahaa dadkii ka qayb-galay kulanka ayaa sheegay in dhibaatada ugu badan ee Soomaaliya ku habsatay ay tahay jahliga, wuxuuna xusay in aqoon la’aan aysan nololi jiri karin, isagoo uga baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ka faa’ideystaan aqoonta.

Ugu dambeyn, waxaa goobta ka hadlay guddoomiyaha madbacadda ZEYLC isagoo sheegay in buugaagta ay ugu talagaleen inay ku hormariyaan aqoonta dhallinyarada Soomaaliyeed.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya