4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 15, 2012
Dadka Jaadka Cuna oo u soo guuray Magaalada Muqdisho kaddib Markii Gobolladii ay ku noolaayeen laga joojiyay Cunista Jaadka

Axad, Abriil 15, 2012 (HOL) — Kumannaan qof oo cuna jaadka ayaa u soo guuray Muqdisho, kaddib markii Al-shabaab ay ka joojisay gobolladii ay ku noolaayeen oo ku yaalla Koonfurta Soomaaliya cunista jaadka.

Dad badan oo Muqdisho daggan ayaa sheegay inay caasimadda soo gaareen dad badan oo isticmaala jaadka, kuwaasoo ka imaanaya gobollada Koonfureed ee dalka gaar ahaan gob gollada Shabeellooyinka oo ku hareereysan Muqdisho.

"Inta badan dadka Muqdisho soo gaaray waa kuwo cuna jaadka, kuwaasoo deegaannadii ay ku noolaayeen laga joojiyay cunista jaadka," ayuu yiri mid ka mid ah aqoonyahannada Muqdisho.

Qaar ka mid ah dadka soo gaaray Muqdisho oo iyaguna saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in gobolladii ay ku noolaayeen laga joojiyay jaadka sidaa daraadeedna ay u soo wareegeen Muqdisho si ay u helaan jaadka.

"Gobolladeenna wax jaad ah lama keenin toddobaadyadii ugu dambeeyay," ayuu yiri mid ka mid ah dadka jaadka cuna oo Muqdisho yimid, kaasoo magaciisa u qariyay sababo la xiriira ammaankiisa.

Jaadka yimaada Soomaaliya ayaa laga keenaa dalalka Kenya iyo Itoobiya kuwaasoo ay ciidammo kaga sugan yihiin gudaha Soomaaliya, waxaana Al-shabaab ay si rasmi ah u joojisay in jaadka dalalkaas laga keeno lagu iibiyo ama lagu cuno deegaannada ay ka taliso.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya