4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 15, 2012
Isbitaallo ay Dowladda Turkigu ka dhistay Muqdisho oo lagu daweeyay boqolaal kun oo bukaanno Soomaaliyeed ah

200,000 Somalis treated at Turkish hospitals in Mogadishu
Axad, Abriil 15, 2012 (HOL) — Isbitaallo ay dowladda Turkigu ka dhistay Muqdisho ayaa lagu wadeeyay boqolaal kun oo bukaanno Soomaaliyeed ah, sida ay sheegeen dhaqaatiirta ka howlgalaysa isbitaalladaas oo la hadlay wakaaladda wararka dalka Turkiga.

Mid ka mid ah isbitaalladan oo ay dhistay wasaaradda caafimaadka ee dalka Turkiga ayaa lagu daweeyaa cudurrada ku dhaca indhaha, waxaana isbitaalkan uu daweyn dhinaca indhaha u sameeyay 200,000 oo qof oo Soomaali ah.

"Isbitaalkan oo howlgalayay tan iyo bishii Ogoosto ee sannadkii 2011, wuxuu qaliin ku sameeyay 987-qof," ayuu yiri Dr Muuse Temel oo ah madaxa isbitaalka indhaha ee Turkigu ka hirgeliyay Muqdisho.

Dr Temel ayaa sheegay inay halkan (Muqdisho) yimaadeen 19-kii bishii Ogoosto ee sannadkii 2011 si ay u caawiyaan dadka Soomaaliyeed oo ay ku dhufteen abaaro sababay macluul daran.

"Howlihii aan halkan (Soomaaliya) u nimid waan ku guuleysannay intooda badan," ayuu Dr Temel u sheegay AA, isagoo intaas ku daray in howsha caafimaad ee ay ka wadaan Soomaaliya ay soconayso illaa muddo aanu cayimin.

Ugu dambeyn, dhaqtarku wuxuu sheegay in bukaanno Soomaaliyeed oo kala duwan ay siiyaan 150,000 oo tan oo dawo ah, kaddib markii baaritaanno ay ku sameeyeen isbitaallada ay ka dhiseen Muqdisho.

Dowladda Turkiga ayaa waxay u soo gurmatay Soomaaliya intii ay jirtay abaartii xumayd ee sababtay inay dad badan oo kasoo barakacay deegaannadooda soo gaaraan Muqdisho si ay u helaan cunno iyo dawo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya