4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 15, 2012
Madaafiic xalay lagu weeraray Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya iyo Dagaal ka dhacay Magaalada Muqdsiho


Axad, Abriil 15, 2012 (HOL) — Madaafiic hoobiyeyaal ah oo la aqoon khasaaraha ay geysteen ayaa xalay lagu weeraray markii saddexaad muddo laba bilood gudahood ah xarunta madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo mas'uuliyadda weerarkan ay dusha u ridatay Xarakada Al-shabaab.

Idaacad ku hadasha afka Al-shabaab oo lagu magacaabo Andulus ayaa sheegtay in xoogagooda madaafiicda ay duqeyntii xalay fuliyeen, iyagoo sidoo kale sheegtay in weerarro lagu qaaday guryo ay daggan yihiin saraakiil iyo ciidamada dowladda KMG ka tirsan oo ku yaalla xaafadda Gubta.

Goobjoogayaal ku dhow xarunta madaxtooyada ayaa sheegay inay xalay saqdii dhexe maqleen madaafiic culus oo ku dhacaysa gudaha madaxtooyada Soomaaliya, inkastoo aysan madaxda dowladda KMG ah ka hadlin duqeyntan.

Al-shabaab ayaa sheegtay in madaafiicda ay ku weerareen madaxtooyada ay tiro ahaan gaarayeen 10-madfac, balse ma aysan sheegin khasaaraha ay ku geysteen. Waxayna noqonaysaa markii labaad oo la duqeeyo madaxtooyada iyadoo uu dalka dibadda uga maqan yahay madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed.

Labadii duqeyn ee middan ka horreeyay oo dhacay bishii lasoo dhaafay ayaa waxaa ku dhintay dad barakcayaal ah, kaddib markii ay madaafiicda qaarkood ku dhaceen kaamam ku dhow Villa Somalia oo ay dadkan ku noolaayeen, iyadoo Al-shabaab ay xilligaas sheegtay inay sii wadayso duqeymahan noocan oo kale ah.

Dhanka kale, dagaal aan la ogeyn khasaaraha uu geystay ayaa xalay ka dhacay degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir, kaasoo u dhexeeyay ciidamada DKMG ah iyo xoogagga Al-shabaab, waxaana saraakiisha dowladdu ay sheegeen inay ugu geysteen khasaare xoogaggii Al-shabaab ee weerarka soo qaaday.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya