4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 6 , 2012
Ardayda Jaamacada Baladweyne University oo sanadkii Afraad dib u bilaabay waxbarashada Jaamacada

Khamiis, September, 06, 2012 (HOL) – Jaamacada Baladweyne University oo ka mid ah Jaamacadaha ku yaala magaalada Baladweyne ee xarunta gobollka Hiiraan ayaa ardayda wax ka barata waxaa ay maanta sanadkii afraad dib u bilaabeen waxbarashada Jaamacada.

Munaasabad lagu qabtay xarunta Jaamacada ee  ayeey ardayda ku soo bandhigeen dareenkooda la xiriira mudo labo bilood ah oo ay fasax ku maqnaayeen kadib in sanadkii afraad ay dib u bilaabeen waxbarashada Jaamacada Baladweyen University.

Gaar ahaan munaasabada waxaa soo qaban qaabiyay ardayda sanadkan ay ugu eg tahay waxbarashada, kuwaasoo sheegay in wax lagu farxo tahay waxbarasho heer Jaamacadeed ah in ay ku dhameystaan magaalada Baladweyne

Sidoo kale, waxaa iyagana qeyb ka ahaa ardayda munaasabada maanta ka qeyb-qaatay kuwa cusub oo sanadkan uun ku biirtay Jaamacada Baladweyne University oo sida ay sheegeen soo dhameystay waxbarashada dugsiga sare

Dhinaca kale, kulan gaar ah oo ay ardayda ku yeesheen gudaha Library-ga Jaamacada ayeey ku bogaadeeyeen kulan ka dhacay magaalada Muqdisho oo ardayda wax ka barata Jaamacada Baladweyne kuwooda ku soo baxa kaalimaha hore loogu balanqaaday waxbarasho sare iyo in la sii balaariyo dhismaha Jaamacada Baladweyne University.

Jaamacada waxaa lagu bartaa ilaa shan Kuliyadood oo kala ah  Shareecada, Waxbarashada, Dhaqaallaha, Cilmiga Computerka, iyo waliba kuliyada caafimaadka,oo dhamaatood ay wax ka bartaan tiro arday ah.

Magaalada Baladweyne ee xarunta gobollka Hiiraan sanadihii ugu danbeeyay waxaa la oran karaa waxaa ay sameysay hormar dhinaca waxbarashada ah, waxaana magaalada ilaa iyo hadda ka furan sadax Jaamacadood oo kala ah Jaamacada Baladweyne University, Hiiraan University, iyo Palasma University, kuwaasoo meesha ka saaray tiro arday ah oo marka ay soo dhameystaan waxbarasahada dugsiga sare u safri jiray meelo kale si ay u heleen waxbarasho heer Jaamacadeed ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya