4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 6 , 2012
25 Musharrax oo ka qeybgalaya doorashada Madaxweynenimada Soomaaliya

Talaado 6
-da September 2012(HOL): Guddiga doorashada madaxweynenimada Soomaaliya ayaa galabta ku dhawaaqay tirada musharraxiinta isu soo taagay madaxweynenimada Soomaaliya ee buuxiyay shuruudihii lagu xiray, waxayna tiradaha musharraxiintaas gaareysaa 25 musharrax.

Guddoomiyaha Guddiga doorashad Maryan Cariif Qaasim oo ka hadashay munaasabaddii lagu shaaciyay musharraxiinta buuxiyay shuruudihii lagu xiray ayaa sheegtay in ay dadaal dheeraad ah muujiyeen intii ay howsha soo wadeen, waxayna xustay inay  aad ugu faraxsan tahay in ay howshii si guul leh ugu soo gebagebowday.

Sidoo kale Afhayeenka Guddiga Cusmaan Libaax Ibraahim oo isna munaasabadda ka hadlay ayaa ku dhawaaqay in ay soo idlaatay muddadii qabashada araajida musharrixiinta madaxweynenimada oo maanta ku ekeyd, wuxuuna sheegay in musharraxiinta shuruudaha soo buuxiyay ay gaarayaan 25 musharrax, kuwaasi oo ay magacyadooda kala yihiin

1-Shariif Shiikh Axmed

2-C/weli Maxamed Cali Gaas

3-Maxamed C/llaahi Farmaajo

4-C/raxmaan Macallin C/llaahi Baadiyow

5-C/llaahi Axmed Caddow

6-C/waaxid Cilmi Goonjeex

7-Axmed Ismaaciil Samatar

8-Xasan Sheekh Maxamuud

9-Yuusuf Garaad Cumar

10-Cumar Salaad Cilmi

11-C/raxmaan Maxamed Cabdi Xaashi

12-Bashiir Nuur Xasan (Bidaar)

13-Xaaji Maxamed Ismaaciil Yaasiin

14-C/qaadir Cosoble Cali

15-C/raxmaan C/shakuur Warsame

16-Xuseen Khaliif Jaamac

17-Maxamed Axmed Saalax

18-Salaad Cali Jeelle

19-Ibraahim Cali Xuseen

20-Saciid Ciise Maxamuud

21-Cismaan Maxamed Gacal

22-Maxamed C/llaahi Oomaar

23-Maxamed C/wali Sheekh Yuusuf

24-Maslax Maxamed Siyaad Barre

25-Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi

Cusmaan Libaax waxaa uu intaas ku diray in labada maalmood ee soo socda ee ay taariikhdu tahay 7-da iyo 8-da bisha ay musharrixiinta waxqabadkooda ka hor jeedin doonaan mudanayaasha Baarlamaanka, isugu jirta si ay xildhibaannada u doortaan midkii ay u arkaan in uu waxqaban karo iyadoo 9-kana ay tahay maalin nasasho iyo olole isugu jirta.

Shuruudaha lagu xiray musharraxiinta isu soo taagay xilka madaxweyneimada Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ahaa:

1-In uu yahay muwaadin Soomaali ah, Muslim ah

2- Da’adiisu aanay ka yarayn afartan (40) sano

3- Leh aqoon ama waayo’aragnimo u qalanta xilkaas

4- Dhimirkiisu dhan yahay

5-Aan Gelin dembii culus oo ay maxkamadi xukuntay.

6-In uu la yimaado dukumiintiyo caddeynaya Soomaalinimadiisa, maadaama musharraxiinta badankood ay heystaan baasaboorrada wadammo kale.

7- In uu bixiyo lacagta diiwaangelinta oo dhan 10 kun oo dollar.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, 10-ka bishan September oo ku began Isniinta soo socota ayaa waxaa loo asteeyay in ay dhacdo doorashada madaxweynenimada Soomaaliya, iyadoo ay xusid mudan tahay in maalintani ay tahay maalin ay si weyn u sugayaan shacabka Soomaaliyeed meel ay dunida ka joogaan, waayo waa markii ugu horreysay oo muddo 21 sano badan dowlad loogu dhiso gudaha dalka Soomaaliya, iyadoo welibana ay dowladdu tahay mid aan Kumeel gaar ahayn. Horay waxaa ay xildhibaannada u doorteen Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Cusmaan Jawaari.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]