4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 6 , 2012
Wasiiradda Xukuumadda Waqtigeedu dhammaaday oo kulankoodii ugu dambeeyay ku yeeshay Magaalada Muqdisho
Khamiis, September 06, 2012 (HOL) — Wasiirrada xukuumadda Soomaaliya ee uu waqtigeedu dhammaaday ayaa maanta kulankoodii ugu dambeeyay ku yeeshay magaalada Muqdisho, kaasoo ay uga hadleen waxqabadkoodii iyo ammaanka guud ee dalka.

Kulanka oo uu shir guddoominayay ra'iisul wasaare C/weli Maxamed Cali ayaa waxay wasiiradu ku kala dhageysteen warbixinno, iyagoo sheegay in doorashada dalkas ka dhacaysa ay sabab u ahayd waxqabadka xukuumadda KMG ah ee waqtigeedu uu ku eg-yahay toddobaadkan.

"Shirka waxaan uga hadlanay xaaladda ammaan ee dalka, sidoo kale goluhu wuxuu dhageystay warbixin ku saabsan doorashooyinka dalka iyo marxaladda cusub ee uu galayo, kulankeennuna aad ayuu uga duwanaa kuwii hore," ayuu yiri wasiirka wafaafinta xukuumadda KMG ah, C/qaadir Jaahweyn.

Dhammaan wasiirrada xukuumadda waqtigeedu dhammaaday ayaa goobjoog ka haa kulanka; waxayna isugu hambalyeeyeen howlihii ay qabteen muddadii sannadka iyo dheeraadka ahaa ee ay shaqeynayeen.

Wasiirka wafaafintu wuxuu sheegay inay sidoo kale isku raaceen in ammaanka guud ee Muqdisho la adkeeyo inta ay doorashada madaxweynenimo ka dhacaysa, isagoo xusay in kulankan uu noqonayo kii ugu dambeeyay ee ay yeeshaan.

Golaha wasiirrada ayaa waxay kulan yeelan jireen maalin walba oo Khamiis ah kaas oo ay kaga hadli jireen waxyaabihii u qabsoomay toddobad walba, iyadoo wasiirrada la arkayay iyagoo socod uga soo baxaya xarunta madaxtooyada oo uu kulankoodu ka dhacay.

Toddobadka soo socda ayaa waxaa lagu wadaa in Muqdisho lagu doorto madaxweyne cusub oo uu dalku yeesho, kaasoo udub dhexaad u noqon doona inuu dalku ka baxo xilliga dowladaha KMG ah oo dalka kasoo shaqeynayay muddo 12-sano ka badan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya