4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 6 , 2012
Iskahorimaadyo Muqdisho ku dhexmaray Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Xoogag Hubeysan iyo dilal kala duwan oo dhacay
Khamiis, September 06, 2012 (HOL) — Iskahorimaadyo u dhexeeya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kooxo hubeysan ayaa xalay ka dhacay isgoyska Ex-koontarool Afgooye iyo degmada Dharkeynley oo dhinaca koonfeed kaga yaalla Muqdisho.

Sidoo kale, saddex qof ayaa siyaabo kala duwan loogu dilay Muqdisho, kuwaasoo laba ka mid ah ay toogteen ciidamada dowladda Soomaaliya, kaddib markii ay ku eedeeyeen inay bambaano ku weerareen ciidammo ka sugnaa isgoyska Baar Ubax ee degmada Howlwadaag.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in labada wiil ee dhallinyarada ah la dilay daqiiqado kaddib markii bam gacmeedku u dhacay, waxaana labada wiil lagu dilay inta u dhexeysa isgoysyada Baar Ubax iyo Black Sea.

Maydadka labadan ruux ee la toogtay ayaa la qaaday xalay kaddib markii ay goobta tageen dad gartay, iyadoo sidoo kalena maydka qof aan la ogeyn cid dishay lagu arkay saakay isgoyska Aadan Cadde oo ku dhow suuqa weyn ee Bakaaraha.

Dhanka kale, Sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in xalay lasoo weeraray saldhigyo ay ciidamada dowladdu ku lahaayeen Ex-koontarool Afgooye iyo degmada Dharkeynley, gaar ahaan xaafadda Xoosh, lama oga illaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay iskahorimaadyadaas oo ahaa kuwo aad u culus.

Al-shabaab ayaa sheegay inay mas'uul ka tahay iskahorimaadyadaas ayna ku dishay tiro ka tirsan ciidamadii ku sugnaa saldhigyada ay weerartay, waxaana hubkii ay labada dhinac isku adeegsadeen laga maqlay inta badan Muqdisho.

Weerarradan iyo dilalkan ayaa waxay imanayaan iyadoo diyaargarow xooggan loogu jiro doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo markii ugu horreysya ka dhacaysa Muqdisho muddo ku dhow nus-qarni.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya