4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 5 , 2012
Madaxweynaha Somaliland: “Waan soo dhaweyneynaa ciddii kusoo baxda Doorashada Madaxweynenimo ee dalka Soomaaliya"
Arbaco, September 05, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo shalay galabta ku laabtay magaalada Hargeysa kaddib ka qaybgalkii aaskii ra'iisul wasaarihii hore ee Itoobiya Meles Zenawi ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan cid walba oo kusoo baxda doorashada madaxweynenimo ee Soomaaliya.


Madaxweynaha oo ka dagay garoonka Hargeysa ayaa qolka nasashadda kula hadlay warbaahinta isagoo ka hadlay safarkii uu kaga qaybgalay aaskii Zenawi iyo sidoo kale doorashada madaxweynenimo ee dalka Soomaaliya.

“Aniga iyo weftigii aan hoggaaminayay waxaanu ka qayb-galay aaskii Males Zanawi oo dhawaan geeriyooday oo aaskiisa dunida oo dhan waa la isaga yimid,” ayuu yiri Siilaanyo oo intaas ku daray: “Itoobiya waa dal aynu jaar nahay. Waa dalka ay ku taallo xaruntii midowga Afrika. Waana dal aynu saaxiib nahay oo xiriir wanaagsani naga dhaxeeyo.”

“Ra'iisul wasaarihii Itoobiya wuxuu ahaa nin aynu in badan kulannay, waxaa innaga dhaxeeyay xiriir gaar ah. Waxaanu ahaa mid aad iyo aad inoogu roonaa oo aynu saaxiib ahayn. Tacsidaasi ayaanu ka qayb-galay innagoo ka wakiil ah shacbiga Somaliland,” ayuu raaciyay.

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu sheegay in doorashadda madaxweynenimo ee ka dhacaysa magaalada Muqdisho ay tahay mid u taalla shacabka Soomaaliya, balse aanay khuseyn Somaliland, sidaa darteedna ay ixtiraamayaan ciddii doorashadaas kusoo baxda, isagoo arrintaasi si kooban uga hadlayayna wuxuu yidhi: “Doorashada madaxweynenimo ee dalka Somaliya waa mid u taalla shacabka waddankaas, laakiin Somaliland way ku ixtiraamaysaa ciddii ay dooranayaan.”

Madaxweynaha iyo weftigiisa waxa madaarka Hargeysa kaga hortagay Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirro, masuuliyiinta hay’adaha dawlada, hoggaanka xisbiga KULMIYE iyo xildhibaano ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka wakiiladda iyo guurtida.

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland