4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 4 , 2012
Shaqaalihii Isbitaalka Guud ee Magaalada Hargeysa oo shaqooyinkoodii u joojiyay sababo la xiriira Mushaaraad
Talaado, September 04, 2012 (HOL) — Shaqaalaha Cusbitaalka guud ee magaaladda Hargeysa, ayaa sheegay inay shaqooyinkii ay hayeen Cisbitaalka ay joojiyeen, isla markaana si weyn uga cawday mushahar loo balanqaaday oo laga musuqmaasuqay.

Shaqaalahan sheegay inay shaqooyinkii ay joojiyeen ilaa inta loo fulinayo balanqaadkoodii ahaa in mushaharka loo kordhiyo, maadaama oo shaqaalaha cisbitaalka guud iyo cisbitaalada gaarka loo leeyahay isku mushahar ku shaqayn, isla markaana saacado badan ay shaqeeyaan oo aanay lahayn wax fasax ah.

Shaqaalahan waxay arrimahan ku eedeeyeen agaasimaha guud ee cisbitaalka Axmed Askar oo ay ku tilmaameen inuu mushaharkoodii kala habsaamo, isla markaana gunooyinkoodina uu ka jaray, balanqaadkii ahaaa in mushaharka loo kordhinaya aan samayn, taasina ay tahay bay yidhaadheen mid xaquuqdoodii la musuqmaasuqayo.

Sidoo kale, waxay shaqaaluhu sheegeen in agaasimuhu uu amar ku bixiyay in qof walba uu shaqeeyo 12 Saac, isla markaana aan lagu arki Karin shaqooyin gaar ah, Fasaxuna uu ahaado oo kaliya maalinta Jimcaha.

Tallaabadan uu Agaasimuhu qaaday ayey shaqaaluhu ku sheegeen inay hawlihii caafimaad ee cisbitaalka ka wadeen ay hakinayso, isla markaana ay keeni karto inay shaqaaluhu meelo kale u shaqo tagaan, sidoo kale waxay sheegeen in cisbitaalku uu dakhli badan soo saaro, balse ay iyagu ka aradan yihiin dhaqaalahaasi soo galla.

Talaabadan ay ku kaceen hawl-wadeenada caafimaadka ee cisbitaalka ayaa dhibaato waxay u keenaysaa bukaankii ku jiray cisbitaalka ee u baahnaa hawlaha caafimaad.

Inta badan agaasimeyaasha guud ee loo soo magacaabo cisbitaalka guud ee magaaladda Hargeysa, ayaan ku raagin oo markay muddo joogaanba laga bedelaa, taasina waxay keentaa hakad ku yimaadda hawlaha caafimaad ee uu cisbitaalku uu u hayey dadweynaha.

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland