4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 4 , 2012
Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud oo Maal-gelisay Iskuul ay dadka Indhoolayaasha ah wax ku bartaan oo Muqdisho laga furay
Talaado, September 04, 2012 (HOL) — Munaasabad si heer sare loosoo agaasimay oo dib loogu furayay iskoolka indhoolayaasha ee Al-nuur ayaa maanta waxa lagu qabtay xarunta iskoolkaas oo ku taalla degmada Hodan, gaar ahaan xaafadda KPP ee magaalada Muqdisho.

Dabiyada iskuuulka ayaa lagu dhajiyay boorar ay ku qoran yihiin hal-ku-dhigyo ka tarjumaya wanaagga ay waxbarashadu u leedahay aadanaha nooc walba oo uu yahay.

Mas'uul ka tirsan maamulka iskuulka oo lagu magacaabo Ibraahim C/llaahi Maxamuud oo hadal kooban jeediyey xafladda ayaa sheegay in iskoolka la furay sannadii 2005, balse uu burburay, maantana ay noqonayso markii ugu horreysay oo ay shirkadda Hormuud dib u furayso.

Madaxa waaxda xiriirka guud ee shirkadda Hormuud, Cabdirashiid Cali Ceynaanshe ayaa saxaafadda u sheegay in iskuulka Al-nuur oo ay hadda ku jiraan 54 arday oo Indhoolayaal ah si lacag la’aan ah wax lagu barayo; iyadoo jiif iyo cunnaba loo diyaariyay illaa laga gaarsiinayo heer jaamacadeed.



Cumar C/salaan Diirye oo indhoole ah kana mid ah shaqaalaha shirkadda Hormuud ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay furitaanka iskuuulkan loogu talogalay in dadka indhoolayaasha ah ay wax ku bartaan.

Qaar ka mid ah ardayda indhoolayaasha ah ee wax ka barata iskuulka ka ayaa uga mahad-celiyey shirkadda Hormuud dadaalka ay u gashay kor u qaadidda noloshooda waxayna balan-qaadeen inay ka faa’iideysan doonaan fursaddan qaaliga ah ee la siiyay.

Ardayda oo isugu jira gabdho iyo wiilal ayaa waxaa loo diyaariyay jiif, cunno iyo waxbarasho lacag la’aan ah oo ay bixinayaan macalimiin aqoon leh, sidoo kalana waxaa xafladda lagu soo bandhigay qalabkii iyo aaladihii ay wax ku baran lahaayeen ardayda indhoolayaasha ah.

Dugsiga Al-nuur waa iskuulkii ugu horreeyey ee wax lagu barayo dad indho la’ oo laga aasaaso magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya oo dagaallo ay ka socdeen muddo ka badan 20-sano.

Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ayaa waxay noqonaysaa markii ugu horreysay oo ay maalgeliso iskuul ay wax ku bartaan ardayda indhoolayaasha ah, iyadoo looga bartay inay gargaarro siiso isbitaallada iyo dadka jilicsan ee ku nool Muqdisho iyo gobollada kale ee dalka.






Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya