4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 4 , 2012
Waa sidee Xaaladda Gobolka Jubbada Hoose oo ay Maalmihii ugu Danbeeyay ka Jireen Xiisado iyo Abaabullo Dagaal?
Talaado, September 04, 2012 (HOL) — Xaaladda gobolka jubada hoose ayaa mudooyinkii u danbeeyayba ahayd mid aad u kacsan kadib markii ciidamada dowladda KMG oo kaashanaya kuwa AMISOM ay u dhaqaaqeen sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose.

Maalmihii ugu danbeeyay ayaa waxa ay dagaallo culus ka dhacayeen deegaan lagu magacaabo Miido oo hoostaga degmada Afmadow halkaasoo ay isku horfadhiyaan ciidamada huwanta ah iyo xoogagga Al-shabaab, waxaana dagaalyahannada Al-shabaab ay halkaasi ka sameysteen difaacyo aad u adag oo hakad geliyay duulaankii ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku doonayeen in ay ku qabsadaan Kismaayo.

Xaaladda goobaha ay isku horfadhiyaan ciidamada ayaa lagu soo waramayaa in ay weli tahay mid aad u kacsan, iyadoona labada dhinac ay is weeydaarsanayaan madaafiic culculus.

Saraakiil u hadashay ciidamada dowladda ayaa sheegay in ciidamadooda iyo kuwa Kenya ay ka go’antahay in ay gacanta ku dhigaan magaalada Kismaayo oo ay siweyn ugu xoogganyihiin dagaalyahannada Al-shabaab.

Xaaladda magaalada Kismaayo ayaa ah mid aad u kacsan, iyadoona siweyn looga dareemayaa xiisadaha ka taagan gobolka, waxaana saaka laga maqlayay xaafado katirsan magaalada Kismayo daryanka madaafiic aan ilaa imika la garanayn wax ay ahaayeen walow maalmihii ugu danbeeyay ay gobolka ka dhacayeen duqeymo ay geysanayeen maraakiib dagaal iyo diyaarado ay leedahay dowladda Kenya.

Dhanka kale wararka aynu ka heleyno deegaanka Dhoobley ee  dhaca soohdinta u dhexeysa dalalka Kenya iyo Soomaaliya ayaa sheegaya in shalay ilaa maanta ay dowladda Kenya kasoo talaabisay soohdinta ay la wadaagto Soomaaliya ee dhanka jubooyinka ciidamo aad u tiro badan islamarkaasina ku qalabeysan hubka noocyadiisa kala duwan iyo taangiyada dagaalka, kuwaasoo la filayo in ay ka qeybqaadan doonaan dadaalka ay dowladda Kenya ugu jirto qabashada magaalada Kismaayo.

Iskusoo wada duuboo xaaladda guud ee gobollada jubooyinka ayaa ah mid ay siweyn u saameeyeen xiisadaha dagaal ee u dhexeeya ciidamada huwanta ah iyo Al-shabaab, waxaana degmooyinka qaar ka bilowday barakac xooggan oo ay sameynayaan dadka shacabka ah ee ku dhaqan goobahaasi, kuwaasoo ka cabsi qaba in ay waxyeelo kasoo gaarto dirirta u dhexeysa dhinacyada isku haya Jubooyinka.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya