4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 4 , 2012
Xafiiska Itoobiya ee Hargeysa oo ka hadlay Wada-shaqeynta Amniga iyo dareenka ay Dadweynaha Somaliland ka muujiyeen Geeridaasi Zenawi
Talaado, September 04, 2012 (HOL) — Xafiiska Itoobiya ku leedahay magaaladda Hargeysa, ayaa war-murtiyeed ay soo saareen ku sheegay geeridii dhowaanta ku Timid Ra’isal wasaarahoodii Meles Zanawi, waxaanay dadweynaha reer Somaliland uga mahadceliyeen sida ay uga xumaadeen geeridii ku timid Ra’isal wasaarahooddii hore ee Meles Zanawi.

Wakiiil ku xigeenka xafiiska Dawladda Itoobiya u fadhiya magaaladda Hargeysa ayaa sheegay in xidhiidhkii labadda dal iyo ka wada shaqaynta xaga amniga ay sidoodii ahaan doonto, isla markaana xusay inay ka wada shaqeeyaan wax kasta oo ka hor imanaya nabadgalyadda gobolka.

War murtiyeedkaasi waxay ku sheegeen inay ka ka go’an tahay inay sii xoojiyaan xidhiidhkii ka dhexeeyey Somaliland iyo Itoobiya, waxaanay tilmaameen inay dalka itoobiya aad ugu hanweyn yahay horumarinta iyo nidaamkii wanaagsanaa ee uu uga tagay Ra’isal wasaare Meles.

Safiir ku xigeenkan  Taye Tafase ayaa sheegay inay dadweynaha Somaliland ay aad uga xumaadeen geeridaasi, isla markaana ay uga mahadcelinayaa sida ay dadweynuhu u muujiyeen geeridaasi naxdi leh ee ku timid Ra’isal wasaarahoodii hore.

Si kastaba ha ahaatee, Somaliland ayaa xuduud aad u balaadhan la leh dalka Itoobiya, kaas oo aanay ciidamo iaalisa xuduudda u joogin Itoobiya, isla markaana dadku  inta badan ku tilmaameen inay  Itoobiya faa’iido badan ku qabtay Somaliland, maadaama ay Itooobiya xaga Somaliland uga baqan inay nabadgalo daro uga timaado, isla markaana kharash badan oo ilaalinta xuuddada kaga bixi lahaa ay u hadho, taasina ay keentay inay labadda dhinac isku soo dhowaada si weyna amniga uga wada shaqeeyaan, iyagoo war-saxaafadeedkan ku muujiyey sidii amniga labadad dhinac loo wadda xoojin lahaa.

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online  
[email protected]
Hargeysa, Somaliland