4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 4 , 2012
Murashaxiinta Araajidooda gudbiyay oo tiradoodu marayso 31 xubnood oo aysan ku jirin Madaxda Dowladda Soomaaliya
Talaado, September 04, 2012 (HOL) — Murashaxiinta madaxweyne ee gudbiyay araajidooda ayaa waxay tiradoodu maraysaa 31 xubnood, iyadoo aysan ku jirin xubnahaas madaxda dowladda Soomaaliya ee uu waqtigeedu dhammaanayo.

Guddiga doorashooyinka ayaa waxay maalintii labaad ku howlan yihiin qabashada araajida murashaxiinta ayaa dhammaantood shubay lacagtii ay doorashada ku geli lahaayeen oo midkiiba ay tahay 10,000 oo dollarka Mareykanka ah.

Xubno ka tisran guddiga ayaa sheegay in howsha qabashada doorashada ay illaa berri socon doonto, balse waxay ka gaabsadeen inay sheegaan magacyada 31-ka xubnood ee ay araajida ka qabteen.

Wararka dibadda laga helayo ayaa waxay sheegayaan in xubnaha gudbiyay araajida ay ka mid yihiin, ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Maxamed C/llaahi Farmaajo, Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubno kale, waxaana magaalada Muqdisho ka socda ololayaal doorasho oo xoog leh.

Murashaxiin tiradoodu gaarayso 13 xubnood ayaa waxay shalay uga tanaasuleen in doorashada uu ka qaybgalo hal murashax oo ah Xaaji Maxamed Yaasiin, iyadoo ay noqonayso markii ugu horreysay oo xubno murashaxiin ay tallaabadan oo kale qaataan.

Doorashada madaxnimo ee dalka ayaa waxay dhacaysaa 10-ka bishan, uu Muqdisho uu ka muuqdo mashquul fara badan oo salka ku haya doorashada, iyadoo lagu wado in madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed uu berri gudbiyo arjigiisa murashaxnimo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya