4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 4 , 2012
Warar kala duwan oo kasoo baxaya dabkii xalay ka kacay dhul ballaaran oo ka tirsan Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan
Talaado, September 04, 2012 (HOL) — Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dab khasaare xooggan geystay oo xalay ka kacay dhul howd ah oo ku yaala deegaanno hoos taga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha degmada Maxaas ee maamulka dowladda Soomaaliya, Muumin Maxamed Xalane oo warbaahinta kula hadllay magaalada Baladweyna ayaa sheegay in dabkaasi uu qabsaday sida uu hadalka u dhigay dhul gaaraya illaa 40-km oo isku wareeg ah, isaga oo sheegay in uu dabkaasi sababay khasaare naf iyo maalba leh.

"Dabkaas sida naloo soo sheegay waxaa ku dhintay labo curuur ah, waxaa uu baabi’iyay xoolo iyo guryo ay ku noolaayeen dadka reer miiyi’ga ah ee halkaa ku dhaqnaa,’’ ayuu yiri guddoomiyaha degmada Maxaas.

Sidoo kale, Muumin Xalane wuxuu intaa ku darray in markii hore lagu soo wargaliyay in ay dhinteen ilaa afar ruux, hasse ahaatee ay hadda wararka ku hayaan in ay dhinteen labo caruur ah.

Laakiin haddana marka aad dhinaca kale eegto qaar ka mid ah dadka deeegaanka oo ay warbaahinta  xiriir la sameysay ayaa sheegay in aysan ka war heyn khasaare dadka ka soo gaaray dabka.
 
"Dad ay caruur ka mid ahaayeen oo markii hore dabka  lagu waayay waa jireen, laakiin  dadkaasi waa la hellay markii danbe,’’ ayuu yiri Xuseen Cabdulle oo ka mid ah dadkii ku noolaa deegaannada uu dabku ka kacay.

Inkastoo wali aad mooda in aan leysku waafaqsaneyn  khasaare dadka ka soo garay dabka,  ayaa haddana marka la eego baaxada uu lahaa iyo dhulka laga sheegay in uu ku fiday waxaa hubaal ah in uu jiro khasaare intii la doonaba hala ekaadee soo gaaray dadka iyo duunyada ku dhaqan deegaannada la sheegay in uu ka kacay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya