4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 4 , 2012
Xarakada Al-shabaab oo Degmada Baraawe ku Toogtay laba ruux oo ay ku sheegeen inay basaasiin u ahaayeen AMISOM
Talaado, September 04, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa laba ruux oo ay ku sheegeen inay basaasiin u ahaayeen dowladda Soomaaliya iyo AMISOM ku toogtay degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada hoose, halkaasoo haatan u ah saldhig weyn kaddib markii ay isaga baxeen degmada Marko toddobaadkii hore.

Labadan ruux oo dilkoodu uu dhacay shalay gallinkii dambe ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Cabdinaasir Cilmi Cabdi oo 17-jir ahaa iyo Cabdulqaadir Daahir Cismaan oo 20-jir ahaa.

Maxkamadda Al-shabaab ee xukunka dilka ah ku riday labadan dhallinyarada ah ee Soomaaliyeed ayaa waxay sheegtay in muddo dheer ay ku jireen gacantooda mid ka mid ahna laga soo qabtay isgoyska Ex-koontarool Afgooye, halka midka kalena laga soo qabtay deegaanka Caymiska ee degmada Yaaqshiid.

"Labadan ruux waxay jawaasiis u ahaayeen cadowga Alle, Waxaana C/naasir laga soo qabtay deegaanka Caymiska isagoo howlo basaasnimo ah ku jira, sidoo kale C/qaadir ayaa laga soo qabtay Ex-koontarool Afgooye isagoo shacabka muslimka ah basaasayay," ayuu yiri garsoorihii xukumay labadan wiil ee dhalinyarada ah.

Dadweyne fara badan ayaa isaguu soo baxay halkii uu dilkoodu ka dhacay, iyadoo la diiday in sawirro laga qaado; balse goobjoogayaal ayaa sheegay in labadan wiil indhaha laga xiray dabadeedna ay toogteen dhallinyaro kale oo bastoolado ku hubeysnaa.

Ma ahan markii ay Al-shabaab dhallinyaro ay ku eedeeyeen inay basaasiin ahaayeen ku toogtaan gobolka Shabeellada hoose, balse bishii hore ayay ahayd markii laba qof ay ku toogteen degmada Marko kuwaasoo ay ku eedeeyeen inay ahaayeen basaasiin.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya