4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 4 , 2012
Jen. Dhego-badan oo sheegay inaysan Siyaasadda socota wax lug ah ku lahayn ayna la shaqeynayaan hoggaamiyihii lasoo doorto
Talaado, September 04, 2012 (HOL) — Abaanduulaha ciidamada xoogga dalka, Jen. C/kariin Yuusuf Aadan (Dhego-badan) oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamada milateriga iyo saraakiisha hoggaaminayaba aysan wax lug ah ku lahayn siyaasadda socota, ayna la shaqeyn doonaan xukuumaddii timaadda.

Jen. Dhego-badan ayaa sheegay in saraakiisha ciidamada dowladda ay arrintaas ka hadleen ayna go'aansadeen inaysan cidna si gaar ah ula safan, ayna ka warsugaan sida ay siyaasadda dalku isku bedesho.

"Innaga loolanka siyaasadeed ee socda wax lug ah kuma lihin, waxaan ciidan qaran, xukuumaddii timaadda ayaana la shaqeynaynaa," ayuu yiri Jen. Dhego-badan oo ku daray hadalkiisa in go'aankaas uu yahay mid dhammaan saraakiisha xoogga dalka isla qabaan.

Hadalka Jenenaalka ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo ay dhawaanahan jireen warar hoose oo sheegaya in ciidamada dowladda ay la kala safan yihiin murashaxiinta u tartamaya doorashada madaxnimo ee Soomaaliya.

Ololayaal xooggan ayaa ka socda magaalada Muqdisho kuwaasoo loogu tartamayo doorashada madaxnenimo ee Soomaaliya, iyadoo ciidammo fara badan oo ka tirsan kuwa dowladda lagu arkayo waddooyinka caasimadda iyagoo baaritaanno xooggan sameynaya xilliyada habeenkii ah.

Toddobaadka soo socda ayaa lagu wadaa inay Muqdisho ka dhacdo doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, taasoo noqonaysa markii ugu horreysay oo doorasho madaxweyne ay ka dhacdo Muqdisho muddo haatan laga joogo 42-sano.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya