4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 4 , 2012
Dab khasaare culus geystay oo xalay qabsaday dhul keymo ah oo ku dhow Deegaanka Moqokori ee Gobolka Hiiraan
Talaado, September 04, 2012 (HOL) — Wararka laga hellayo deegaannka Moqokori ee gobollka Hiiraan ayaa sheegaya in xalay uu dab xoog leh ka kacay dhul keymo oo ku dhirirsan deegaanno hoos taga Moqokori, kaasoo inta la og-yahay geystay khasaare naf iyo maalba leh.

Dad ku sugan deegaannka Moqokori oo ay HOL la hadashay ayaa sheegay in dabku uu baabi’iyay sida ay hadalka u dhigeen in badan oo ka mid ah xoolihii ay dhaqanayeen dadkii reer miyi'ga ahaa ee ku noolaa dhulka keymaha ah, sidoo kalana uu la tagay dhamaan guriyihiin cooshadaha ka sameysnaa ee ku yaallay halkaa.

"Dabka waxaa uu socday qiyaastii labo Saac iyo bar xiriir ah, ilaa iyo hadda inta aan og-nahay waxaa halkaa ku baaba’ay in badan oo ka mid ah xoolihii ay dhaqanayeen reer miyi'ga, sidoo kalana waxaa uu dabku baabi’iyay guriyihiin ay ku noolaayeen dadkii halkaa ku dhaqnaa,’’ ayuu yiri mid ka mid ah dadka ku dhaqan degmada Moqokori.

Xiriir kala duwan oo ay HOL la sameysay dadka deegaannka ilaa iyo hadda ma aysan sheegin cid wax ku noqotay dabka, laakiin marka dhinaca kale la eego baaxada uu dabku lahaa waa ay dhici kartaa ayeey leeyihiin dadka qaarkii ay jiri karaan dad wax ku noqday.

Dad ka soo kala gurmaday degmada Maxaas, Moqokori, iyo deegaannada kala ah Suubo iyo Cadiimo, ayaa ugu danbeytii ku guuleystay in ay damiyaan dabka, mana jirin gacan kale oo ay heleen dadka ku dhaqan dhulka uu dabku ka kacay.

Illaa iyo hadda ma jirto sabab la sheegay in uu dabkaasi ka kacay, hasse ahaatee marka aad eegto dhaqamada dadka reer miyi'ga ah waxaa caado u ah in marka uu gabalku dhaco ay shitaan dab kaasoo laga yaabo in dabeysha xiliyada habeenkii soo dhacda ay u gudbisay dhulka intiisa kale.

Deegaannka Moqokori waxaa maamula oo gacanta ku haya Xarrakada Al-shabaab ilaa iyo haddana ma jiro wax war ah oo dhinacooda ka soo baxay, waana markii ugu horeysay oo dab baaxadaa leh uu qabsado dhulka howdka ah ee ku yaala deegaannada hoos taga tuullada Moqokori oo ka tirsan degmada Maxaas.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan,com
Baladweyne, Soomaaliya