4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 30, 2012
Kooxo hubeysan oo Magaalada Baydhabo ku toogtay saakay Askari ka tirsanaa kuwa cashuura Maamulka Gobolka Bay
Axad, September 30, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa saakay toogasho ku dilay mid ka mid ah ciidamada canshuuradaha ee degmada Baydhabo, kaasoo ay ku weerareen meel ku dhow guriisa oo ku yaalla xaafadda Bardaale, sida ay dad goobjoogayaal ah u sheegeen HOL.

Askarigan la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Mukhtaar Indhooy, wuxuuna ahaa mid ka mid ah ciidamada ka shaqeeya qaadista canshuuraha degmada Baydhabo, mana jirto cid sheegatay inay mas'uul ka tahay dilka mas'uulkan.

"Dilku wuxuu ka dhacay xaafadda Bardaale, waxaana askariga toogtay sadex ruux oo bastoolado ku hubeysan, wayna baxsadeen," ayuu yiri goobjoogaha la hadlay HOL, isagoo sheegay in dilkan uu noqonayo kii ugu horreeyay ee askari loo geysto muddo toddobaadyo ah.

Maamulka degmada Baydhabo ayaa markiiba dilkan ku eedeeyay Al-shabaab, inkastoo aysan jirin cid loosoo qabtay, iyadoo dilkan uu imaanayo xilli shalay bam lagu weeraray goob suuq ah uu sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaartay dad rayid ah.

Guddoomiyaha gobolka Bay, C/fataax Geeseey oo ka hadlay qaraxii Baydhabo ayaa sheegay inay socdaan baaritaanno lagu sameynayo saddex qof oo looga shakisan yahay inay bam-gacmeedkaas ku weerareen suuqa.

Howgal ay ciidamada dowladdu saakay sameeyeen dilka sakariga kaddib ayay kusoo qabqabteen dhowr qof, iyadoo xaaladdu ay tahay mid deggen, iyadoo dadku ay ka muujiyeen walaac dilkii saakay iyo qaraxii shalay dhacay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya