4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 30, 2012
Xukuumadda Mareykanka oo ka hadashay dagaalka Kismaayo kuna baaqay in la adkeyo Ammaanka Magaaladaas
Axad, September 30, 2012 (HOL) — Dowladda Mareykanka ayaa ka hadashay dagaalka Kismaayo, iyadoo ku tilmaamay in Al-Shabaab laga adkaaday balse ay dhici karto inay dhacaan weerarro gaadmo ah oo ay soo qaadaan.

Kaaliyaha xoghayaha wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ee Africa, Johnnie Carson ayaa sheegay in awooddii Al-shabaab la wiiqay, balse ay jiraan xoogag ka tirsan oo doonaya inay weerarro fuliyaan, kaddib markii ay isaga baxeen magaalo aad muhiim ugu ahayd.

"Al-shabaab awood ciidan oo wax iska difaaci karta ma lahan hadda, waayo dhaqaale ahaan iyo awood ahaan hoos ayay u dhaceen. Balse waxaa dhici karta inay sameeyaan isku-dayo ay ka mid yihiin inay ismiidaamin sameeyaan," ayuu yiri Carson oo wariyeyaasha kula hadlayay Washington.

Sidoo kale, Carson wuxuu sheegay inay sii wadayaan taageerada ay siiyaan ciidamada Midowga Afrika ee ka howgala Soomaaliya (AMISOM) iyo kuwa dowladda si looga adkaado Al-shabaab oo uu ku sheegay inay caqabad ku tahay nabad ka dhalata Soomaliya.

Carson wuxuu ku taliyay in howsha Kismaayo aysan noqon oo keliya xaalad ciidan, balse loo baahan yahay in siyaasad ahaan wax lagu wado, lana xoojiyo ammaanka iyo kala dambeynta magaaladaas.

"Ma doonayno in hoggaamiye kooxeedyadii ay soo laabtaan, ma doonayno in beelo iyo maleeshiyaad beeleed ay soo laabtaan, ma doonayno in ciidamada gobolka ay ku bataan, laakiinse waxaan doonaynaa inay magaaladaas xukunkeeda la wareegaan ciidammo si wanaagsan loo tababaray oo ka amar-qaadanaya dowladda Soomaaliya," ayuu yiri Carson.

Ciidamada Kenya oo ka tirsan AMISOM ayaa sannadkii hore soo galay Soomaaliya, waxayna ku qaadatay hal sano inay soo gaaraan magaalada Kismaayo oo ahayd magaalada ugu weyn ee ay ka taliso Al-shabaab oo ku taalla Koonfurta Soomaaliya.

Hadalka Carson ayaa imaanaya xilli ay Al-shabaab isaga baxday Kismaayo, welina aysan gelin magaaladaas ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya ee isgarabsanaya, waxaana 24-kii saac ee ugu dambeeyay ka dhacay magaaladaas dilal qorsheysan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya