4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 3 , 2012
Dowladda Kenya oo sheegtay in Markab dagaal oo ay leedahay uu Maanta Duqeyn u geystay Magaalada Kismaayo
Isniin, September 03, 2012 (HOL) — Afhayeenka milateriga dalka Kenya, Emmanuel Chirchir ayaa sheegay in maraakiib dagaal oo Kenya ay leedahay ay duqeeyeen maanta magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose, iyadoo aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay duqeyntaas.

Goobjoogayaal ku sugan magaalada Kismayao ayaa sheegay inay maqlayeen hub culus oo ay isweydaarsanayaan markabka dagaal iyo xoogagga Al-shabaab, balse ma jiro madfac ku dhacay gudaha degmada Kismaayo.

Madaafiicda ayaa waxay ku dhaceen dekedda Kismaayo iyo duleedkeeda, waxaana hakad ku yimid howlaha dekedda Muqdisho, iyadoo dadku ay sheegeen inay xaalad nololeed oo aad u adag ay ka taagan degmada.

"Dadka qaarkood magaalada way ka baxeen, balse inta ku harsan ma awoodi karaan inay ka baxaan degmada, waayo amar ayaa lagu siiyay inaysan qixi karin," ayuu yiri goobjooge ku sugan Kismaayo oo magaciisa u qariyay sababo amaan.

Toddobaadyadii lasoo dhaafay ayaa waxaa magaalada Kismaayo ka barakacayay dad aad u fara badan oo ka baqaya inay dagaalladu soo gaaraan, waxaase amarka la dul-dhigay uu dadka u diiday inay magaalada ka baxaan.

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa labadii maalmood ee lasoo dhaafay ku socday duqaeymo xooggan oo ay geysanayana diyaarado dagaal iyo maraakiib ku sugan xeebaha gobolka Jubbada Hoose; iyadoo saraakiisha AMISOM ay sheegeen in la bartilmaameedsanayo saldhigyada Al-shabaab.

Xukuumada Kenya ayaa waxay u aragtaa Kismaayo inay tahay goob ay Al-shabaab ka hesho dhaqaalaha ay ku dagaalamayso, waxaana Al-shabaab ay u muuqataa inay isku diyaarinayso inay difaacato degmadaas oo 500-km koonfur ka xigta xarunta Soomaaliya ee Muqdisho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya