4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 3 , 2012
Guddiga Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in 22 Murashax ay soo gudbiyeen Araajidooda Murashaxnimo
Isniin, September 03, 2012 (HOL) — Guddiga doorashada madaxweynaha Somalia ayaa sheegay maanta oo Isniin ah in 22 mudane ay ka qabteen araajidooda Murashaxnimo ayna siiyeen warqado loogu talo-galay inay soo buuxiyaan, kuwaasoo ay kusoo qorayaan magacyada xildhibaannada kalsoonida siinaya.

Afhayeenka guddiga doorashada madaxweynaha Soomaaliya, Cismaan Libaax Ibraahim ayaa warbaahinta u sheegay maanta in guddigu uu ku wargelinayo dhammaan murashaxiinta tarmaya inay lacagaha laga doonayo oo 10,000 oo dollar ah ku shubaan bankiga dhexe ee dalka.

"Maanta waxaa billaabatay qabashada araajida murashaxiinta u tartamaya jagada madaxweynenimo ee Somalia, waxaana 22 murashax aan maanta ka qabanay araajidooda waxaana siinnay warqado loogu talogalay inay kusoo qoraan magacyada labaatan murashax oo kalsoonida siinaya," ayuu yiri Libaax oo xusay in guddiga lagu soo celinayo foomamka lasoo buuxinayo.

Sidoo kale, afhayeenka guddiga wuxuu sheegay in murashaxiinta ay u diyaariyeen warqad ay ku qoran yihiin shuruudaha murashaxa laga doonayo in sidoo kale halka uu ku shubayo lacagta laga doonayo ee 10,000 oo dollar ah.

"Murashax walba waxaa looga baahan yahay inuu lacagta ku shubo akoon lambar: 795 oo bankiga dhexe ah, waxaana warqadda risiidka ah uu u keenayaa guddiga," ayuu yiri Cismaan Libaax oo sheegay in howshoodu ay socon doonto saddexda maalmood ee soo socota.

Guddigu ma magacaabin magacyada xildhibaannada ay siiyeen foomamka, waxayna sheegeen in marka ay soo dhameystirmaan murashaxiinta araajidooda soo gudbiya ay ku dhawaaqi doonaan magacyadooda.

Doorashada madaxweynenimo ee Soomaaliya ayaa waxaa horay loo qorsheeyay in ay dhacdo bishan 10-keeda, waxaana xilkan isku taagan in ka badan 30 xubnood oo intooda badan ka yimid dalka dibadiisa.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya