4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 3 , 2012
Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo AMISOM oo baaritaanno ku sameeyay Degmada Afgooye kaddib dagaallo xalay ka dhacay
Isniin, September 03, 2012 (HOL) — Ciidamada dowladda Soomaaliya oo gacan ka helaya kuwa AMISOM ayaa maanta baaritaanno dad lagu qabtay ka sameeyay xaafadaha degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose, kaddib dagaal xalay ka dhacay degmadaas.

Dabley la rumeysan yahay inay Al-shabaab ka tisran yihiin ayaa xalay weerarro ku qaaday saldhigga degmada Afgooye oo ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda balse lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.

Goobjoogayaal ku sugan degmada Afgooye oo magacyadooda qariyay ayaa qaar ka mid ah warbaahinta u sheegay inay arkeen maydadka laba qof oo ka mid ahaa labadii dhinac ee dagaalamay.

Saraakiisha dowladda iyo kuwa AMISOM ayaan ka hadlin dagaalkii xalay ka dhacay degmadaas iyo khasaaraha uu dhaliyay, balse mas'uuliyiin u hadlay Al-shababa ayaa sheegay inay iyagu xalay weerareen degmada Afgooye.

Baaritaannada ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM sameeyeen maanta ayay kusoo qabqabteen dad badan oo ay la xiriirinayaan inay Al-shabaab ka tirsan yihiin, waxaase xubno saraakiisha dowladda ka tirsan ay sheegeen in baaritaanno kale la marin doono dadka lasoo qabqabtay.

Degmada Afgooye oo 30-km dhinaca Waqooyi-galbeed kaga beegan Muqdisho ayaa waxay gacanta ugu jirtaa ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM kuwaasoo kala wareegay Al-shabaab dhammaadkii bishii May ee sannadkan. Dhowr ayayna ka dhaceen weerarro noocan oo kale ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya