4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 3 , 2012
Musharaxiinta ka qaybgalaya Doorashada Madaxweynenimo ee dalka Soomaaliya oo lagu xiray shuruudo cusub
Isniin, September 03, 2012 (HOL) — Musharxiinta u taagan xilka madaxweynenimo ee Soomaaliya ayaa lagu xiray shuruudo cusub, iyadoo guddigu ay soo jeediyeen in murashaxa xilka u tartamaya uu haysto baasaboor Soomaali ah ama dhalasho u dhiganta.

Afhayeenka guddiga doorashada madaxweynaha Soomaaliya, Cismaan Libaax Ibraahim ayaa sheegay in taasi ay timid kaddib markii ay arkeen in murashaxiinta u tagaan xilka madaxnimo ee dalka ay intooda badan haystaan baasaboorro ajnabi ah, wuxuu sheegay in tani ay caddeyn u noqonayso in murashaxu uu yahay Soomaalia.

"Qabashada araajida waxay billaabanaysaa maanta oo Isniin ah, waxayna socon doontaa saddex maalmood, murashax walbana waxaan u sheegaynaa inuu soo doonto fayl loogu talogalay inuu soo buuxiyo," ayuu yiri Cismaan Libaax oo sheegay in faylkaas ay guddigu haynayaan.

Murashaxinta u taagan xilka madaxnimo ee Soomaaliya ayaa waxay tiradoodu kor u dhaaftay soddomeeyo kuwaasoo qaarkood ay ka socdaan xisbiyo siyaasadeed, halka kuwo kalena ay yihiin kuwo si shaqsi ah u tartamaya.

"Baarlamaanku wuxuu ogolaaday in murashax walba uu bixiyo $10,000 oo doollarka Mareykanka ah, waayo waxaan ogaannay in murashaxiinta ay aad u fara badan yihiin ayna tani ku kala hari karaan," ayuu yiri afhayeenka guddiga doorashada.

Doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxay dhacaysaa 10-ka bishan, waxaana ka socda Muqdisho ololayaal ay wadaan murashaxiinta u taagan xilka madaxnimo ee Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya