4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 3 , 2012
Kooxo hubeysan oo xalay dilal qorsheysan ka geystay Degmooyin ka tirsan Muqdisho iyo bam lagu weeraray Ciidammo Booliis ah

Isniin, September 03, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa xalay laba qof siyaabo kala duwan ugu dilay xaafadoka tirsan degmooyinka Howadaag iyo Huriwaa, iyadoo sidoo kale bam lagu weeraray shalay gallinkii dambe ciidammo booliis ah oo ku sugnaa suuqa Bakaaraha.

Goobjoogayaal ku sugan xaafadda Baar Ubax ee degmada Howadaag ayaa sheegay in kooxo hubeysan ay fiidkii xalay toogasho ku dileen wiil dhallinyaro ah oo dibadda ka yimid, iyadoo kooxaha dilka geystay ay markiiba goobta ka baxsadeen.

"Dilka markii uu dhacay waxaa goobta soo gaaray ciidammo fara badan oo kuwa dowladda ah, dad ka badan labaatan qof ayay qabteen," ayuu yiri goobjooge ku sugan xaafadda Baar Ubax oo xaaladdeedu ay saakay tahay mid deggen.

Sidoo kale, kooxo kale oo bastoolado ku hubeysan ayaa ku toogtay xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Huriwaa nin la sheegay inuu ka tirsanaa hay'adda nabadsugidda dowladda Soomaaliya, iyadoo kooxaha dilka geystay ay baxsadeen.

"Xaaladdu saakay waa daggan tahay, balse xalay oo dhan degmada waxaa ka jiray baaritaanno ay ciidamadu sameynayeen, dad badan ayayna u qabqabteen dilka ka dhacya degmadaas," ayuu yiri goobjooge kale oo ku sagan Suuqa Xoolaha.

Ma jirto cid sheegatay inay mas'uul ka tahay dilalkan iyo weerarka bambaano ee lagu weeraray booliis ku sugnaa suuqa Bakaaraha, waxaana falalkan oo dhan ay kusoo beegmayaan xilli diyaargarow loogu jiro doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya