4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 3 , 2012
Diyaarado iyo Maraakiib dagaal oo xalay duqeymo ka geystay Deegaanno ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose

Isniin, September 03, 2012 (HOL) — Diyaarado dagaal iyo maraakiib ayaa xalay duqeymo ka geystay gobolka Jubbada Hoose, gaar ahaan difaacyada ay Al-shabaab uga jiraan deegaannada ku dhow magaalada Kismaayo ee xarunta gobolkaas.

Madaafiicdan oo aan la garanayn khasaaraha ka dhashay ayaa waxay ku dhaceen deegaannada Birta-dheer iyo Jannaay-cabdalla oo dhinaca galbeed kaga beegan degmada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.

Goobjoogayaal ku sugan deegaannada la duqeeyay ayaa sheegay in gantaalladu ay ahaayeen kuwo xooggan, balse aanay ogeyn khasaaraha ka dhashay, waxanaa tani ay kordhisay walwalka ay shacabka ku nool Kismaayo ka qabaan in magaladooda uu dagaalku soo gaaro.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxay dagaallo culus oo khasaare badan geystay ay ka dhaceen duleedka iyo gudaha degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose, halkaasoo ay saraakiisha AMISOM sheegeen inay ciidamadooda qabsadeen.

Xarakada Al-shabaab ayaan weli ka hadlin duqeyntii xalay, waxaana gobolkaa ay u noqonaysaa habeenkii labaad oo duqeymo ay ka geysanayaan diyaarado dagaal iyo maraakiib ku sugan xeebaha gobolka Jubbada Hoose.

Ciidamada Kenya oo ka tirsan kuwa AMISOM iyo xoogagga Raaskambooni oo ay la socdaan ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa waxay qorsheynayaan inay galaan degmada Kismaayo, inkastoo Al-shabaab ay dhowr jeer sheegtay inay difaacanayso degmadaas oo ah mid istiraatiiji ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya