3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 29, 2012
Qarammada Midoobay oo soo saartay go’aanno ku aaddan Xuquuqul Insaanka Soomaaliya

Sabti, September 29, 2012(HOL): Fadhigii 21aad ee Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qarammaa Midoobay ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Geneva ee dalka Switzerland. Kulankan ayaa si weyn waxaa looga hadlay xaaladda Xuquuqul Insaanka ee dalka Soomaaliya iyo xaaladda kala guurka ah ee uu dalka Soomaaliya soo maray.

 

Qaraar lagu tageerayo Soomaaliya ayaa shalay laga soo saaray fadhigan si ay Soomaaliya u yeelato awood ay ku dhowrto kuna horumariso xuquuqul insaanka, taasoo la sheegay in waajibka ugu horreeya ee difaacitaanka Xuquuqul Insaanka uu saaran yahay dowladda Soomaaliya. Qoraalka kasoo baxay shirkan ayaa soo dhaweeyay sida xubno badan oo haween ah usoo galeen baarlamaanka cusub ee federaalka ee Soomaaliya.

 

Golaha xuquuqul-insaanka waxaa uu soo dhaweeyay dhamaadka waqtiga kumeel gaarka ah ay Soomaaliya ku soo jirtay muddo 12 sano ah, waxaana uu Golahu ku tilmaamay in ay tahay horumar siyaasaadeed iyo biseel ay Soomaalida gaartay. Golaha waxaa uu sidoo kale soo dhaweeyay doorashada sida nabadda iyo xilkasnimada ah ee ka dhacday dalka taasoo lagu doortay Xasan Shiikh Maxamuud in uu noqdo madaxweynaha Soomaaliya muddo 44 sano kadib ah.

 

Xukuumadda badbaado qaran ee Ra’iisul Wasaare C/weli Max’ed Cali Gaas ayuu golaha si weyn ugu ammaanay doorka muhiimka ah ee ay ka ciyaartay sidii looga gudbi lahaa wakhtiga kumeel gaar ah sida qorista dastuurka ah, ansaxinta dastuurka, soo xulista baarlamaanka iyo qabsoomidda doorasho si nabad ku jirto.

 

Golaha Xuquuqul Insaanka Qarammaa Midoobay  ayaa waxaa uu go’aan ku gaaray in uu xoojiyo shaqada Khabiirka Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka ee Qarammaa Midoobay  Dr. Shamsul Bari iyadoo la kordhinayo kaalmada la siinayo dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyada ka jira dalka si ay u dhowraan xuquuqul insaanka una gutaan waajibaadka saaran.

 

Khabiirka madaxa bannaan ee Qarammaa Midoobay  u qaabilsan xuquuqul insaanka Soomaaliya Dr. Shamsul Bari oo warbixin kasoo jeediyay ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay in uu ka walaacsan yahay xaalada Xuquuqul Insaanka Soomaaliya inkastoo maalmihii ugu dambeeyay ay dhaceen is-badallo faro badan oo lagu dhiirran karo.

 

Safiirka Soomaaliya u fadhiya magaalada Geneva una qaabilsan Qarammaa Midoobay Yusuf Max’ed Ismaacil Bari Bari oo u hadlaya dowladda Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay warbixinta Dr Shamsul Bari waxaana uu sheegay in Soomaaliya laga taageero dhinacyada cadaalada iyo soo celinta sharciga iyo kala dambeynta si ay u gudato waajibka ka saran dowladda in ay difaacdo ayna hormariso xuquuqul insaanka.

 

Yusuf Bari Bari oo lagu tilmaamo safiir kasbaday taageerada dalalka Xubnaha ka ah Qarammaa Midoobay  ayadoo saafarda Soomaaliya ee dalka Switzerland aysan heysan taagero la mid ah midda ay helaan safaaradaha kale, gaar ahaan dhinaca dhaqaalaha, hadana mar waliba u istaago ka hadlida xaalada Soomaaliya iyo sidii xuquuqul insaanka Soomaaliya fiira gaar ah uu caalamka ugu yeelan lahaa.

 

Sidoo kale fadhiga looga hadlaayay warbixinta Dr Shamsul Bari uu ka diyaariyay ee xuquuqul insaanka waxaa ka hadlay laba xubnood oo ka tirsan bulshada rayidka Soomaaliyeed.

 

Xoghayaha Guud ee Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ Cumar Faaruuq Cusmaan oo isna fadhiga ka hadlay ayaa sheegay in Soomaaliya ay soo wajahday weeraro is daba joog ah oo lagu hayo suxufiyiinta Soomaaliyeed kuwaaso si xad dhaaf ah usii kordhaya. Dilka wariyaasha ayaa waxaa laga dhigtay mid ku dhisan siyaasad oo lagu doonayo in lagu ciribtiro saxaafadda Soomaaliya ayuu yiri Cumar Faaruuq oo ugu baaqan in golaha Xuquuqul Insaanka Qarammaa Midoobay  in ay wax ka qabtaan tacadiyada ka dhanka ah Xoriyatul Qowlka ee ka jira dalka Soomaaliya asaga oo sheegay in mihnada saxaafadda ay tahay midda ugu khatarta badan ee dalka laga shaqeysto. Cid loo ciqaabay ma jirto dilka suxufiyiintaa Soomaaliyeed, sanadkanna waxaa uu noqday sanadka loogu dilka badan yahay ayuu ku daray Cumar Faaruuq.

 

Zahra Max’ed Axmed oo madax u ah xarunta horumarinta haweenka Soomaaliyeed ee SWDC una hadlaysay dallada Difaacayaasha Xuquuqul Insaanka Bari iyo Geeska Africa ee EHAHRDP ayaa u sheegtay Golaha Xuquuqul Insaanka Qarammaa Midoobay  in Soomaaliya ay taagan tahay xaalad kala guur ah. Zahra waxaa ay tilmaamtay in kufsiga loo geysanayo gabdho masaakiin ah uu sii kordhayo oo ay diiwaangeliyeen warbixino sheegaya in 10 gabdhood la kufsado maalin waliba. Barnaamijkasta oo lagu doonayo in lagu xaqiijiyo xuquuqul insaanka Soomaaliya waa in uu ku saleynsnaadaa sharciga iyo cadaalada, ayay tiri Zahra Max’ed Axmed oo sidoo kale ugu baaqday dowladda Soomaaliyeed in ay fuliso soo jeedinta Dr Shamsul Bari ee ku aadan qorsho lagu dhowrayo xuquuqul insaanka Soomaaliya.

 

Qaraarka kasoo baxay Golaha Xuquuqul Insaanka Qarammaa Midoobay  ayaa waxaa uu si xoog leh uu cambaareeyay dilka arxan darida ah ee lagu hayo suxufiyiinta Soomaaliyeed. Golaha ayaa waxaa uu ugu baaqay caalamka in ay taageero ku bixiyaan sidii loo dhowri lahaa amniga suxufiyiinta ayadoo kaalmada la gaarsiinayo dowladda federalka, maamul goboleedyada, ururka qaranka suxufiyiinta soomaaliyeed iyo suxufiyiinta shaqsiyan u shaqeysanayo.

 

Golaha waxaa uu sidoo kale aad u cambaareeyay dhibaateynta ka dhanka ah haweenka Soomaaliyeed kuwaasoo ay soo wajahdo kufsi, dil iyo dhac. Sidoo kale Golaha waxaa uu kasoo horjeestay askareynta caruurta Soomaaliyeed taasoo xadgudub ku ah xeerka caalamiga ah ee Xuquuqul insaanka caalamka.

Fadhigan soo dhammaaday ayaa sidoo kale waxaa hadallo kulul isku weydaarsaday safiirada dalalka Soomaaliya iyo Eritrea.

 

Safiirka Soomaaliya Yusuf Bari Bari ayaa waxaa uu fadhigii hore soo saaray miiska qoraal ugu baaqaya Golaha Xuquuqul Insaanka in la magacaabo mas’uul u qaabilsan Qarammaa Midoobay  in uu ka warbixiyo xuquuqul insaanka dalka Eritrea taasoo si weyn ugu careysiisay dowladda Eritrea kadib markii Golaha Xuquuqul insaanku uu si loo dhan yahay uu isugu raacay. Safiirka Soomaaliya ayaa sheegay in ay tahay mid aan loo dulqaadan karin xaaladda xuquuqul insaanka ee ka jirta dalka Eritrea loogana baahan yahay in caalamku uu wax ka qabto si dadka Eritrea aysan u lumin xuquuqyada aas-aasiga ah ee bani aadamka.

 

Safiirka Eritrea ee u fadhiya dalka Ingiriiska Tesfa-Michael Gerathu oo u hadlaayay dowladda Eritrea ayaa si weyn uga soo horjeestay qararkan ay Soomaaliya soo gudbisay oo ay taageerayaan inta badan xubnaha golaha xuquuqul-insaanka. Gerathu waxaa uu sheegay in dowladda Eritrea aysan marnaba la shaqeyn doonin sarkaalka loo soo magacaabay in uu ka warbixiyo xaalada xuquuqul insaanka dalka Eritrea.

 

Yuusuf Bari Bari ayaa gunaanadkii fadhiga ku celiyay in Soomaaliya ay si aad ah uga xun tahay xaaladda xuquuqul-insaanka ee shacabka Eritrea, waxaana uu ugu baaqay dowladda Eritrea oo ugu yeehaya “dowlaldda KMG ee Eritrea” in ay la shaqeyso sarkaalka loo soo magacaabay in ay ka warbixiso xuquuqul insaanka dalka Eritrea. Golaha oo fulinaya qaraarka uu hordhigay Ambassador Yusuf Bari Bari ayaa waxaa uu shalay magacaabay Beedwantee Keetharuth oo ah haweenay u dhalatay dalka Mauritius in ay noqoto saraaka Qarammaa Midoobay  uga soo warrama xaalada xuquuqul insanka dalka Eritrea.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

[email protected]

 













Click here
9/29/2012 9:58 AM EST
Sabti, September 29, 2012 (HOL) — Deegaannka Ceel-jaale ee duleedka magaalada Baladweyne waxaa gaaray dadkii ka barakacay fatahaadii maalintii shalay ku dhuftay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kuwasoo waqtigan ay soo food-saareen xaalado adag dhinaca nolasha ah.

9/29/2012 9:18 AM EST
Sabti, September 29, 2012 (HOL) — Hal qof ayaa ku dhintay, saddex qof oo kalena way ku dhaawacmeen duqeyn ay diyaaradaha dalka Kenya u geysteen degmada Baardheere ee gobolka Gedo, halkaasoo ay ka taliso Xarakada Al-shabaab.

9/29/2012 8:40 AM EST
Sabti, September 29, 2012 (HOL) — Abaanduulaha ciidamada milateriga Soomaaliya Jen. Cabdikariin Yuusuf Aadan (Dhego-badan) oo saxaafadda kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay inay ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya siiyeen amar ah inaysan gelin gudaha magaalada Kismaayo, sababo jira awgood.

9/29/2012 8:01 AM EST
Sabti, September 29, 2012 (HOL) — Kooxo baastoolado ku hubeysan ayaa laba qof oo shacab ah siyaabo kala duwan ugu toogtay duhurnimadii maanta xaafado ka tirsan magaalada Kismaayo, iyadoo dilalkan ay ka dhigayaan dadka maanta oo keliya lagu dilay Kismaayo saddex qof oo shacab ah.

9/29/2012 7:52 AM EST
Sabti, September 29, 2012 (HOL) — Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa kal-fadhigoodii maanta afar xildhibaan xilalka uga xayuubin, kuwaasoo 20 kal-fadhi oo isku xiga aan kasoo xaadirin fadhiyada Golahaasi.

9/29/2012 7:50 AM EST
Sabti, September 29, 2012 (HOL) — Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay laba kalena dhaawacyo kala duwan ayaa kasoo gaaray kaddib markii bam-gacmeed lagu weeraray maanta suuqa qoryaha lagu qoro oo ku yaalla magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

9/29/2012 6:29 AM EST
Sabti, September 29, 2012 (HOL) - Dadweyne taageersan madaxweynaha dhawaan loo doortay Jamhuuriyada Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa dibad baxyo ka sameeyay degmada Galdogob ee gobolka Mudug.

9/29/2012 3:45 AM EST
Sabti, September 29, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa shaaca ka qaaday maanta in xalay la xiray xafiisyadii maamulkoodu ku lahaa magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, balse ay ciidamadeedu diyaar u yihiin inay la dagaalamaan cid walba oo kasoo horjeedda ku dhaqanka shareecada Islaamka.

9/29/2012 3:22 AM EST
Sabti, September 29, 2012 (HOL) — Xaaladda magaalada Kismaayo ayaa saaka ah mid aad u kacsan, iyadoona magaalada ay ka socoto bililiqo iyo boob loo geysanayo xarumihii maamulka Al-shabaab ee Magaalada Kismaayo.

9/29/2012 3:18 AM EST
Sabti, September 29, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Jimcihii shalay kulan looga hadlayay ammaanka iyo dib u dhiska dalka kula yeeshay xarunta madaxtooyada xubno ka socday ururrada bulshada rayidka Soomaaliyeed oo uu isagu ka mid ahaan jiray.

9/29/2012 3:17 AM EST
Sabti, September 29, 2012 (HOL) — Saraakiil ka socda sirdoonka magaalada Hargeysa ee Somaliland ayaa habeen hore saqdii dhexe xabsiga u taxaabay wariye C/fataax Maxamuud Caydiid oo ka tirsan wargeyska Saxafi oo kasoo baxa magaalada Hargeysa.