4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 29, 2012
Diyaarado laga leeyahay dalka Kenya oo duqeeyay Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo iyo Khasaare ka dhashay
Sabti, September 29, 2012 (HOL) — Hal qof ayaa ku dhintay, saddex qof oo kalena way ku dhaawacmeen duqeyn ay diyaaradaha dalka Kenya u geysteen degmada Baardheere ee gobolka Gedo, halkaasoo ay ka taliso Xarakada Al-shabaab.

Diyaaradaha duqeynta sameeyay ayaa waxay bartilmaameedsadeen goobo cayiman waxaana goobahaas ka mid ahaa goob ay ku noolaayeen dad shacab ah, iyadoo aan la ogeyn khasaaraha kale ee ka dhashay duqeyntan, marka laga reebo midka soo gaaray dadka shacabka ah.

"Xogta ramsiga ah ee aan hayno waxay sheegaysaa in diyaaradaha Kenya ay duqeyn u geysteen maanta degmada Baardheere gaar ahaan halka loo yaqaan EDC-da, waxaana ku dhintay hal qof oo rayid ah, saddex kalena dhaawacyo ayaa kasoo gaaray," ayuu Col. Warfaa Sheekh Aadan oo ka mid ah saraakiisha dowladda ee ku sugan gobolka Gedo ku sheegay wareysi kooban oo uu siiyay VOA-da laanta afka Soomaaliga.

Goobjoogayaal ku sugan degmada Baardheere ayaa saxaafadda u sheegay in dhowr jeer ay diyaaraduhu gantaalo la dhaceen dibadda magaalada, iyadoo xoogagga Al-shabaab ay rasaasta lidka diyaaradaha ku rideen diyaaradahaas, inkastoo aysan wax khasaare ah kasoo gaarin.

Xarakada Al-shabaab ayaan weli ka hadlin duqeynta ay maanta diyaaradaha Kenya u geysteen degmada Baardheere oo ka mid ah labada degmo ee ay gobolka Gedo kaga sugan yihiin iyo weliba khasaaraha kasoo gaartay.

Ma ahan markii ugu horreysay oo Al-shabaab ay duqeyso degmada Baadheere oo ah degmo ay Al-shabaab ku xooggan tahay marka la eego gobolka Gedo oo intiisa badan ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda iyo kuwa caawinaya ee Kenya iyo Itoobiya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya