4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 29, 2012
Kooxo bastoolado ku hubeysan oo Maanta laba Ruux siyaabo kala duwan ugu toogtay xaafado ka tirsan Magaalada Kismaayo
Sabti, September 29, 2012 (HOL) — Kooxo baastoolado ku hubeysan ayaa laba qof oo shacab ah siyaabo kala duwan ugu toogtay duhurnimadii maanta xaafado ka tirsan magaalada Kismaayo, iyadoo dilalkan ay ka dhigayaan dadka maanta oo keliya lagu dilay Kismaayo saddex qof oo shacab ah.

Labadan qof ee la dilay ayaa la sheegay in siyaabo kala duwan loogu dilay xaafadaha Calanleey iyo Via Afmadow ee magaalada Kismaayo, iyadoona mid kamid ah dadkaasi uu ahaa oday da' ah.

"Magaalada way qasan tahay, qofkii seddexaad ayaa la dilay, mid ka mid ah dadka la dilay waxa la toogtay isagoo dajinayo calanka Al-shabaab," sidaa waxaa yiri mid ka mid ah dadka ku nool magaalada Kismaayo oo magaciisa u qariyay sababo la xiriira amnigiisa.

Dadka maanta siyaabaha kala duwan loogu dilay Kismaayo ayaa u badan dad lagu eedeeynayo inay xiriir la leeyihiin amaba taageersan yihiin ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa caawinaya ee Kenya ee ku sugan afaafka hore ee magaalada.

Dhinaca kale weli waxa magaalada ka soconayo boob loo geysanayo xarumihii ay Al-shabaab ku lahayd degmadaas, sida saldhigga booliiska, guriga gobolka ee K-2, warshadda hilibka iyo goobo kale oo ay ku shaqeyn jireen xoogagga Al-shabaab.

Ciidamada huwanta ah ayaan weli gudaha u gelin magaalada Kismaayo, wixii kusoo kordha xaaladda magaalada Kismaayo waxaan kaga bogan doontaan wararkeena danbe Insh'allah.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya