4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 29, 2012
Bam lagu Weeraray Suuq ku yaalla Magaalada Baydhabo oo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac
Sabti, September 29, 2012 (HOL) — Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay laba kalena dhaawacyo kala duwan ayaa kasoo gaaray kaddib markii bam-gacmeed lagu weeraray maanta suuqa qoryaha lagu qoro oo ku yaalla magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Qofka dhintay iyo labada kale ee dhaawacmay ayaa ka mid ahaa dadkii suuqaas ka shaqeysanayay sida uu goojooge ku sugan Baydhabo u sheegay HOL, isagoo intaa ku daray in markii weerarku dhacayay aysan jirin ciidammo ku sugnaa suuqaas.

"Bam-gacmeed lagu weeraray suuqa ulaha lagu qoro ayaa waxaa ku dhintay nin oday ah oo ka mid ahaa dadka suuqaas ka shaqeysta, laba qof oo kalena way ku dhaawacmeen," ayuu yiri Ismaaciil Ibaahim oo ka mid ah dadka ku nool Baydhabo.

Goobjoogahan ayaa intaas ku daray in ciidamada dowladda ay halkaas gaareen ayna kusoo qabqabteen dad fara badan oo lala xiriirinayo inay qaraxaas ku lug lahaayeen, kuwaasoo ay u kexeeyeen saldhigga degmada Baydhabo.

Kooxihii weerarka fuliyay ayaa goobta ka baxsaday, iyadoo aan la ogeyn sababta ay u weerareen suuqaas oo ah goob ay dadka shacabka ah ka shaqeystaan, sidoo lama oga koox ay ka tirsan yihiin.

Maamulka gobolka Bay ayaa sheegay in weerarkan uu qayb ka ahaa weerarro ay kooxaha dowladda kasoo horjeeda ku doonayaan inay qalqal uga abuuraan degmada Baydhabo, balse ay ka go'an tahay inay ka hortagaan.

Degmada Baydhabo ayaa waxay ka mid tahay degmooyinkii Al-shabaab laga saaray horraantii sannadkan, waxaana tan iyo xilligaas ka dhacayay falal isugu jira qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo khasaare ay kasoo gaarto dadka shacabka ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya