Bannaanbaxyo lagu Taageerayo Madaxweynaha Soomaaliya oo ka dhacay Degmada Galdogob ee Gobolka Mudug (SAWIRRO)
Sabti, September 29, 2012 (HOL) - Dadweyne taageersan madaxweynaha dhawaan loo doortay Jamhuuriyada Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa dibad baxyo ka sameeyay degmada Galdogob ee gobolka Mudug.
Waxaana banaanbaxa soo qabanqaabiyay ururka horumarinta dhalinyarada ee degmada Galdogob, iyadoo ay ka qayb qaateen qaar kamid ah ardada dhigata iskuullada kala duwan ee degmadaasi.
Dibadbaxayaasha ayaa lulayay sawirrada madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud iyo sawirro ay ku taageerayaan Dr. C/qaadir Cabdi Xaashi oo kamid ah musharrixiinta u taagan jagada Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya.
Waxayna dibad baxayaashu ka codsadeen madaxweynaha Soomaaliya inuu soo magacaabo Dr. C/qaadir oo horay u ahaa wasiirka iskaashiga iyo xiriirka caalamiga ah ee Puntland oo haatana ku biiray musharrixiinta ku sugan magaalada Muqdisho ee u taagan inay qabtaan xilka Ra'iisul wasaarenimada.
Dadka dibadbaxyda dhigayay oo soo maray wadooyinka degmada ayaa markii dambe isugu tagay barxad ku taalla bartamaha magaalada, halkaasoo ay khudbado lagu taageerayo madaxweynaha Soomaaliya ka jeediyeen qaar kamid masuuliyiinta degmada.
Axmed C/samad,Hiiraan Online
[email protected]Muqdisho , Soomaaliya