4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 29, 2012
Qof shacab ah oo lagu dilay Kismaayo iyo bililiqo xooggan oo ka socota Xarumihii ay Al-shabaab ku lahaayeen degmadaas
Sabti, September 29, 2012 (HOL) — Xaaladda magaalada Kismaayo ayaa saaka ah mid aad u kacsan, iyadoona magaalada ay ka socoto bililiqo iyo boob loo geysanayo xarumihii maamulka Al-shabaab ee Magaalada Kismaayo.

Goobaha ay sida weyn bililiqada uga socoto waxaa kamid ah xarunta degmada Kismaayo, Saldhigga dhexe ee magaalada, iyo dhamaan xarumihii maamulka Al-shabaab ee magaalada Kismaayo, waxaana dadku ay qaadanayaan dhamaan agabkii looga tagay goobahaasi.

Ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya weli masoo gaarin magaalada, waxayna ku suganyihiin goobihii ay shalay dhufeesyada ka qoteen, waxaana saraakiil katirsan dowladda ay sheegeen in sida ugu dhaqsaha badan ay gudaha ugu geli doonaan magaalada.

Dhinaca kale kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa toogasho ku dilay qof rayid ah xilli uu dad ehelladiisa uga waramayay xaaladda magaalada Kismaayo, waxaana kooxihii dilka geystay ay durbaba isaga baxsadeen goobta.

Xoogagga Al-shabaab ayaa xalay fiidkii isaga huleelay  magaalada Kismaayo, waxaana ilaa imika la garanayn halka ay aadeen, iyadoona saraakiil u hadashay Al-shabaab ay sheegeen in ka bixitaankooda Kismaayo ay tahay xeelad dagaal islamarkaasina maalmaha soo socdo la arki doono istaraatijiyadooda cusub ee dagaalka.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya