4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 28, 2012
Afhayeen Milateriga Kenya oo sheegay inay la wareegtay gacan ku haynta Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose

Jicmo, September 28, 2012 (HOL) — Afhayeen milateriga Kenya, Col. Cyrus Oguna ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada Kenya ee qaybta ka ah AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya ay la wareegeen gacan ku haynta xaafado ka tirsan degmada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose.

Col. Oguna ayaa sheegay in ciidamadooda iyo kuwa dowladda ay ka galeen magaalada dhinaca badda ayna iska caabin aan badnayn kala kulmeen xoogagga Al-shabaab ee gacanta ku hayay degmadaas, balse goobjoogayaal ku sugan Kismaayo ayaa sheegay in magaalada gudaheeda uusan dagaal ka dhicin.

"Wararka ah in Kismaayo ay qabsadeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Kenya ee AMISOM ka tisra waa kuwo run ah," ayuu yiri afhayeenka milateriga Kenya oo wareysi siinayay telefishinka dalka Kenya.

Ciidamada AMISOM ee ka kooban, kuwa Uganda, Burundi, Jabuuti iyo Kenya ayaa tan iyo sannadkii hore dagaallo culus kula jiray dagaalyahannada Al-shabaab, iyagoo ka qabsaday degmooyin dhowr ah oo ku dhow Muqdisho iyo kuwo ku yaalla Koonfurta Soomaaliya, gaar ahaan Jubbada Hoose.

"Al-shabaab weerarro kooban ayay kala hortageen ciidamada, balse waa laga adkaaday," ayuu yiri Col. Oguna, isagoo sheegay in ciidamadooda ay maanta oo Jimco ah gudaha u galeen Kismaayo.

Goobjoogayaal ku sugan magaalada Kismaayo ayaa sheegay inay maqleen rasaas muddo kooban socotay oo ka dhacday deegaan xeebta ka jira magaalada oo 4-km ka baxsan.

"Hadda waxaan maqlaynaa duqeymo, iyadoo maraakiib ku sugan xeebta ay gantaallo ka dhacayaan magaalada, kuwaasoo ay uga jawaabayaan rasaasta qoryaha lidka diyaaradaha oo ay Al-shabaab ridayaan," ayuu yiri Cumar Cali oo ku sugan Kismaayo.

Goobjooge lagu magacaabo Ismaaciil Suglow oo la hadlayay Reuters ayaa isaguna sheegay inay arkeen toddoba markab oo ku sugan meel ku dhow xeebta magaalada, kuwaasoo dajiyay ciidammo Kenya iyo Soomaali isugu jira.

"Maraakiib ay leedahay Kenya ayaa xalay ciidammo kusoo daadiyay xeebta Kismaayo, waxaana socda dagaal u dhexeeya ciidamadaas iyo xoogaggeenna," ayuu yiri afhayeenka howgallada ee Al-shabaab, Sheekh C/casiis Abuu-Muscab oo la hadlayay wakaaladda wararka ee Reuters.

Magaalada Kismaayo ayaa waxay ka mid tahay labada magaalo ee waaweyn ee ku haray gacanta Al-shabaab, waxaana haddii ay gacantooda ka baxdo ay noqonaysaa in Al-shabaab ay lumisay gacan ku haynta deegaannada Koonfurta Soomaaliya.

Tan iyo bishii Oktoobar ee sannadkii hore ciidamada Kenya iyo xoogagga Al-shabaab waxay ku dagaalamayeen gobolka Jubbada Hoose, iyadoo Kenya ay dhowr jeer oo hore sheegtay in qorshaheedu yahay inay qabsato magaalada Kismaayo oo ay u aragto inay tahay goob ay Al-shabaab dhaqaale badan ka hesho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya