4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 28, 2012
Webiga Shabeelle oo ku fatahay xaafado ka tirsan Beledweyne kaddib Markii ay xalay ka da'een degmadaas Roobab Mahiigaan ah

Jicmo, September 28, 2012 (HOL) — Xaafadaha magaalada Baladweyne ayaa waxaa ku fatahay webiga Shabeelle, kaddib markii xalay uu magaaladaas ka da'een roobab xooggan oo geystay khasaare dhimasho oo soo gaartay dad iyo xoolo nool.

Inta badan magaalada Baladweyne ayaa waxaa buuxiyay biyo, iyadoo goobaha ugu badan ee ay biyuhu galeen ay ka mid yihiin bartamaha magaalada oo ay ku yaalleen xarumaha ganacsiga, waxaana jira khasaare xooggan oo soo gaartay ganacsatada iyo dadka shacabka ah ee magaaladaas ku dhaqan.

"Biyo badan ayaa buuxiyay magaalada, qiyaastii 70% magaalada waxaa ku jira biyo, xaafadaha qaarkood caruurta waa lagala bixi la'yahay," ayuu yiri wariyaha HOL ee Baladweyne, C/raxmaan Diini oo ku sheegay fatahaaddan inay ka dhalatay kaddib markii ay isbiirsadeen roobabkii xalay iyo webiga oo buuxay celinna waayay biyaha.

Sidoo kale, Diini wuxuu sheegay inuu daadadka ay dileen hal qof oo ahaa oday iyo kumannaan neef oo xoolo nool ah, isagoo sheegay in illaa iyo hadda ay xaaladdu tahay mid cakiran iyadoo xaafadaha qaarkood lagu xayiran yahay.

"Xaafadaha ay fatahaaddu saameynta xooggan ku yeelatay ayaa waxaa ka mid ah: Xaawo-taako, Buundo-weyn, ku-tiimbo iyo kuwo kale. Roobabku waxay ahaayeen kuwo xooggan oo socday sideed saacadood oo xiriir ah," ayuu yiri wariyaha HOL ee Baladweyne.

Maamulka gobolka Hiiraan ayaan weli ka hadlin fatahaadda webiga iyo biyaha buuxiyay qaybo ka mid ah magaalada Baladweyne, waxaana fatahaaddan ay noqonaysaa tii ugu darnayd ee ka dhacda xarunta gobolka Hiiraan sannadihii ugu dambeeyay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya