3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 26, 2012
Kenya oo sheegtay inay burburisay kaydad hub oo Al-shabaab ay ku lahayd Kismaayo iyo Al-shabaab oo beenisay Arrintaas
Arbaco, September 26, 2012 (HOL) — Saraakiisha u hadlay milateriga dalka Kenya ayaa sheegay in duqeymo ay diyaaradahoodu ka geysteen garoonka diyaaradaha Kismaayo ay ku burburiyeen kaydad hub oo ay Al-shabaab lahayd iyo saldhigyo ay isticmaali jireen Al-shabaab, iyadoo saraakiil u hadlay Al-shabaab ay beeniyeen warkaas.

Saraakiisha u hadlay Kenya waxay sheegeen in saddex gantaal ay diyaaradahoodu ku dhufteen kayd hubka Al-shabaab ayna gubteen dhammaan hubkii halkaas ku jiray, balse ma aysan sheegin khasaare nafeed oo duqeyntaas ku dhintay.

"Qaraxyadu waxay ahaayeen kuwo culus, waxayna ahaayeen duqeyn diyaaradeed," ayuu yiri Cabdi Ugaas oo ka mid ah shacabka ku nool Kismaayo oo la hadlay wakaaladda wararka ee AFP.

Goobjoogayaal ku sugan Kismaayo ayaa BBC-da qaybta Soomaaliga u sheegay inay duqeymo culus tan iyo saakay ku dhacayeen daafaha magaalada Kismaayo, kuwaas oo dilay xoolo nool oo u badan geel.

Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada oo ay Al-shabaab awood badan ku leedahay ayaa waxaa 24-kii saac ee lasoo dhaafay ku socday duqeymo culus oo ay geysanayaan diyaaradaha iyo maraakiibta dagaalka ee Kenya.

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo gacan ka helaya kuwa Kenya iyo xoogagga Raaskambooni ayaa ku sugan deegaanno ku yaalla duleedka Kismaayo, waxayna sheegeen inay ku wajahan yihiin Kismaayo oo Al-shabaab ay sheegtay inay difaaci doonto.

Saraakiisha u hadlay Al-shabaab ayaa iyaguna dhankooda sheegay inaysan jirin wax hub ah oo ka burburay, sidoo kalena aan khasaare la gaarsiin xoogaggooda ku sugan Kismaayo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
9/26/2012 8:58 AM EST
Arbaco, September 26, 2012 (HOL) — Waxaa maanta xarunta degmada Wadajir ee magaalada Muqdihos lagu qabtay xaflad lagu sagootinayay madaxweynihi hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, laguna soo dhaweeyay madaxweynaha cusub, Xasan Sheekh Maxamuud.

9/26/2012 8:58 AM EST
Arbaco, September 26, 2012 (HOL) — Aqoonyahanno, Siyaasiyiin iyo Odoyaal kasoo jeeda gobollada Jubooyinka iyo Gedo ayaa si kulul u cambaareeyay dilkii askari katirsan ciidamada Kenya uu dad rayid ah ugu geeystay nawaaxiga deegaanka Birta dheer ee gobolka Jubada Hoose.

9/26/2012 8:36 AM EST
Arbaco, September 26, 2012 (HOL) — Xukuumadda Somaliland ayaa soo dhawaysay khuburo ku takhasusay sida loo baadho xasuuqyada caalamka ka dhaca iyo lafaha bani’aadamka, kuwaas oo dib u soo fiqi doono xabaalo wadareedyo ay dad badan oo dawladii hore ku laysay magaaladda Hargeysa ku jiraan, gaar ahaan goobta loo yaqaan badhka.

9/26/2012 8:07 AM EST
Arbaco, September 26, 2012 (HOL) — Ergayga xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay uga wakiilka ah arrimaha Soomaaliya, danjire Augustine Mahiga ayaa sheegay in xiligii hore iyo hadda ay rajadiisa ku aaddan Soomaaliya aad u kala duwan tahay, wuxuuna xusay in xilligii hore uu ka rajo wanaagsan yahay xilligan.

9/26/2012 4:11 AM EST
Arbaco, September 26, 2012 (HOL) — Wasiirka arrimaha gudaha ee xukuumadda uu waqtigeedu dhammaadka yahay, C/samad Macallin Maxamuud ayaa shaaciyay inay degmooyinka gobolka Banaadir dhigeen ciidammo suga ammaanka Muqdisho, kaddib dilal qorsheysan iyo qaraxyo ka dhacayay magaalada toddobaadyadii ugu dambeeyay.

9/26/2012 3:53 AM EST
Arbaco, September 26, 2012 (HOL) — Afhayeenka howgallada ee Al-shabaab, Sheekh C/casiis Abuu-Muscab oo saxaafadda la hadlay ayaa si kulul uga jawaabay hadal uu mas'uul ka tirsan Xisbul Islaam ku sheegay inay kaga baxeen midowgii ay horay ula galeen Al-shabaab.

9/26/2012 3:29 AM EST
Arbaco, September 26, 2012 (HOL) — Maraakiib nooca dagaalka oo la aaminsan yahay inay leedahay dowladda Kenya ayaa saaka dhowr gantaal ku tuuray magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, walow aan illaa imika la sheegin cid wax ku noqotay duqeyntaas.