4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 26, 2012
Afhayeen si kulul uga hadlay go'aankii Mas'uul ka tirsan Xisbul Islaam uu ku sheegay inay kaga baxeen Al-shabaab
Arbaco, September 26, 2012 (HOL) — Afhayeenka howgallada ee Al-shabaab, Sheekh C/casiis Abuu-Muscab oo saxaafadda la hadlay ayaa si kulul uga jawaabay hadal uu mas'uul ka tirsan Xisbul Islaam ku sheegay inay kaga baxeen midowgii ay horay ula galeen Al-shabaab.

Sheekh Abuu-Muscab ayaa sheegay in midnimadooda ay tahay mid ay ku difaaci doonaan af iyo adin, isagoo carrabka ku adkeeyay inay ka go'an tahay inay ka hortagaan cid walba oo doonaysa inay kala furfurto Xarakada Al-shabaab.

"Mujaahdiinta waxay soo mareen marxalado kala duwan, kaddib waxaa Alle uu u suuro-geliay inay marxaladahaas kaga gudbaan laba sano ka hor, waxayna ku taagan yihiin midnimadaas waana hal gacan oo cadowga la dagaalamaysa," ayuu yiri Sheekh Abuu-Muscab.

Afhayeenkan Al-shabaab u hadlay ayaa sheegay in xubnahan hadalkan sheegay ay uga dan leeyihiin inay kula gorgortamaan gaalada, si ay jagooyin uga helaan, balse ay iyagu taas ka hortagayaan oo ay si adag uga horjeedaan in midnimadooda la kala dhantaalo.

"Waxay doonayaan inay isku muujiyaan inay yihiin urur gaar u taagan si ay gaalada uga helaan mansab iyo inay u tusaan in mujaahidiintu ay awood ahaan uu hoos u dhac ku yimid, labadaas qodob ayaa ku qasbay inay waqtiga ku dhaqaaqaan inay Al-shabaab ka baxeen," ayuu yiri Sheekh C/casiis oo sharraxayay sababaha ay u arkaan inay mas'uuliyiinta ku dhawaaqaan inay ka go'een Al-shabaab.

Sidoo kale, afhayeenka howgallada ee Al-shabaab wuxuu hadalkiisa ku daray inay awoodooda Al-shabaab sidii hore kasii xoogeysatay ayna dagaal kula jiraan ciidamo ka socda lix dowladood,  isla markaana haatan dhar-baaxo xooggan u geysanayaan ciidamada ay la dagaalamayaan.

"Halkan waxaan ka caddeynayaa inaan cid walba oo isku dayda inay mowqifka Al-shabaab kala dhantaallaan aan ka hortagi doonno oo aan la dagaalaamyno, ayuu si kulul u yiri afhayeenka Al-shabaab oo sheegay inay arrintan u marayaan go'aan ay Al-shabaab soo saartay bishii Maarso ee sannadkan oo ahaa in af iyo adin looga hortago cid walba oo doonaysa inay kala dhantaasho midnimada mujaahidiinta.

Warka kasoo baxay Al-shabaab ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo maalin ka hor uu ku dhawaaqay madaxii wafaafinta ee Xisbul Islaam isla markaana ahaa afhayeenka kooxdaas inay ka laabteen midowgii ay Al-shabaab la yeesheen sannadkii 2010.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya