4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 25, 2012
Diyaarado Dagaal oo duqeeyay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo
Talaado, September 25, 2012 (HOL) — Diyaarado dagaal oo aan la garaneyn cidda iska leh ayaa maanta duqeymo xooggan ka geystay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Diyaaradaha dagaal ayaa la sheegay in dhowr gantaal ay ku dhufteen garoonka, waxaana illaa imika la garanayn khasaaraha ka dhashay duqeyntaas.

Garoonka diyaaradaha Kismaayo ayaysan jirin wax diyaarado ah oo isticmaali jiray mudo dhowr sanadood ah, waxaana sida la sheegay garoonka uu saldhig u ahaa xoogagga Al-shabaab.

“Dhowr gantaal ayay diyaaraduhu ku dhufteen garoonka, waxaana arkay uuro ka baxeysa garoonka, mana garanayo khasaaraha ka dhashay,” sidaa waxa HOL u sheegay goobjooge magaciisa qariyay oo ku sugnaa meel u dhow garoonka xilligii ay duqeyntu dhaceysay.

Ma jiraan masuuliyiin katirsan Al-shabaab oo faahfaahin ka bixiyay duqeynta iyo weliba hadii uu jiro wax khasaare ah oo ka dhashay.

Duqeymahani ayaa kusoo beegmaya xilli xiisado dagaal ay ka taaganyihiin galbeed ee gobolka jubada Hoose halkaasoo ay isku horfadhiyaan ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa Kenya iyo Xarakada Al-shabaab.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya