4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 25, 2012
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo furay shir lagu Qiimanayo maamul Dedejinta Dowladaha Hoose ee Somaliland
Talaado, September 25, 2012 (HOL) — Madaxweyne ku Xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa furay shir dib loogu eegayo mashruuca Maamul daadejinta dawladaha hoose ee mudada Shanta Sanno ka socday degmooyinka Somaliland.

Kulankan lagu qiimaynayo mashruuc ay dhawr hay’adood  isla kaashanayeen oo dawladaha hoose ee degmooyinka loogu talogalay inay maamul daadajin ku sameeyaan, ayaa ka furmay hotel Ambassador ee magaaladda Hargeysa, waxaana kulankaasi ka soo qaybgalay Madaxweyne ku xigeenka, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiir ku xigeenka Arrimaha Gudaha,Maayarada Magaalooyinka Hargaysa, Gebilay, Boorama,Burco,Berbera,Sheekh iyo Oodweyne oo ka faa’iidaysta mashruucan oo degmooyinkooda uu ka hirgalay, kaas oo ay maalgalinayaan Hay’adaha UNICEF, UNDP,UN-ILO iyo UN- HABITAT, kaas oo marka magaciisa la soo gaabiyo la yidhaa mashruuca JPLG (Joint program for local Governments ).

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Somaliland Mr:Maxamed Nuur Caraale Duur oo kulankaasi ka hadlay ayaa tilmaamay in Mashruucani uu qayb weyn ka qaatay horumarka dalku ku talaabsaday, isagoo xusay in mudadii shanta sanno ahayd ee uu socday uu wax badan ka bedelay habsami u socodka hawlaha ay Golayaasha deegaanku u xilsaaran yihiin,Wasiirku waxa uu soo jeediyay in qorshaha Mudada shanta sanno ah ee haatan la galayo ay haboon tahay sidii loogu soo dari lahaa Mashruucan Degmooyinka Saylac,Laas caanood,iyo Ceerigaabo oo hore ugu jirin.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane C/Raxmaan Saylici oo furitaankii rasmiga ahaa ee kulan hawleedkan oo socon doona mudo sadex cisho ah ka hadlay ayaa u mahadnaqay hay’adaha fulinayay Mashruucan Maamul Daadejinta iyo Adeega dawladaha Hoose ,waxa uu Madaxweyne ku xigeenku sheegay in mudada soo socota loo baahan yahay sidii nidaam cad oo lagu wada xisaabtamo loo samayn lahaa,maadaama oo shantii sanno ee hore ay tababaro iyo waayo aragnimo ay ka korodhsadeen habka uu barnaamijkani u shaqaynayo.

Mudan C.raxmaan Saylici wuxuu u soo jeediyay ka qayb galayaasha kulan hawleedkan sidii ay uga faa’iidaysan lahaayeen mudada sadexda cisho ah ee ay ku falanqaynayaan waxyaabihii u qabsoomay iyo waxa ka dhiman .

Waxaa kale, oo halkaasi ka hadlay Wasiir ku xigeenka Wasaarada Arrimaha Gudaha Mudane Maxamud Garaad Soofe iyo Madax ka tirsan Hay’adaha Caalamiga ah ee maalgaliyey hirgalinta Mashruucan.

Mashruucan oo ah maamul daadajin ayaa laga doonayaa inay dadweynaha ku nool degmooyinkaasi u heli lahaayeen adeeg hufan iyo waxqabad muuqda, isla markaana baahiyaha dadweynaha loo ogaan lahaa sidii wax loogu qaban lahaa.

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online 
[email protected]
Hargeysa, Somaliland