4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 24, 2012
Baarlamaanka Soomaaliya oo kulan uu Muqdisho ku yeeshay uga hadlay arrimo fara badan iyo xildhibaanno la dhaariyay
Isniin, September 24, 2012 (HOL) — Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa waxay kaga hadleen waxyaabihii tan iyo markii la dhisay u qabsoomay, iyadoo sidoo kale la dhaariyay maanta labadii mudane ee ugu dambeeyay baarlamaanka, kuwaasoo buuxiyay kuraasta baarlamaanka.

Kulankan oo uu shir guddoominayay afhayeenka baarlaamanka, Maxamed Cismaan Jawaari ayaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin ammaanka sidii baarlamaanku uu u dardargelin lahaa howlihiisa loona dhici lahaa guddi hoosaadyada baarlamaanka.

Afhayeenka baarlamaanka ayaa sheegay in guddoomiyaha maxkamadda sare uu kala hadlay sidii loo joojin lahaa in xildhibaannada dacwad lagu soo oogo inta xilka laga qaadayo, iyadoo sidoo kalena xildhibaannada looga dalbaday inay fasaxyada yareeyaan.

Labada xildhibaan ee maanta la dhaariyay ayaa waxay kala ahaayeen: Cabdixafiid Isaaq Mursal iyo Cabdi Maxamed Abtidoon, iyadoo guddoomiyaha baarlamaanka uu sheegay inay ka dhinnaayeen kuraasta baarlamaanka ee 275 kursi ah, marka laga reebo kursiga xidhibaankii habeen hore la dilay oo weli bannaan.

Guddoomiyaha baarlamaanka wuxuu sidoo kale xildhibaannada uga warbixiyay kulammo uu la yeeshay wufuud kala duwan oo caalami ah, isagoo sheegay in xubno ka socday dalka Turkiga ay ballanqaadeen inay dib u dhis ku sameyn doonaan xarunta baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaannadu waxay sidoo kale kulanka uga hadleen ammaanka, maadaama ay soo baxayaan hanjabaadyo ka imaanaya Al-shabaab oo iyaga ku wajahan iyo dilkii loo geystay xildhibaan ka tirsan baarlamaanka, waxaana ay go'aansadeen inay muujiyaan taxadar.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha baarlamaanka ayaa ku dhawaaqay guddi ka kooban shan xildhibaan oo kasoo shaqeeya sidii lagu dhisi lahaa guddi hoosaadyada baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo xidlhibaannada laga dalbadfay inay soo gudbiyaan CV-yadooda si xildhibaan walba loogu dhiibo howsha uu qaban karo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya