4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 24, 2012
Xildhibaannada Baarlamaanka Somalia oo Maanta yeelanaya kulankii ugu horreeyay tan iyo markii ay doorteen Madaxweynaha
Isniin, September 24, 2012 (HOL) — Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulan ku yeelanaya maanta xarunta golaha shacabka ee Muqdisho, kaasoo aan la ogeyn ajandayaasha ay uga hadli doonaan.

Kulankan ayaa wuxuu noqonayaa kii ugu horreeyay oo ay xidlhibaannadu yeeshaan tan iyo markii ay doorteen madaxweynaha Soomaaliya 10-kii bishan, waxaana uu ka dhacayaa kulankan xarunta golaha shacabka ee Muqdisho.

"Baarlamaanku wuxuu maanta yeelanayaa kulankii ugu horreeyay tan iyo markii uu doortay madaxweynaha Soomaaliya," ayuu yiri mudane ka tirsan baarlamaanka oo la hadlay HOL, balse wuxuu sheegay inaan lagu wargelin ajandaha looga hadlayo.

Kulankan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo habeen hore lagu dilay Muqdisho mid ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya, kaasoo dalbey bastooolado watay ay ku weerareen gurigiisa oo ku yaallay degmada waaberi ee magaalada Muqdisho.

Al-shabaab ayaa sidoo kale ku hanjabtay inay beegsan doono xildhibaannada kale ee baarlamaanka, kuwaasoo ay ku eedeysay inay ka dhego-adeygeen digniinno ay horay ugu jeedisay, kuwaasoo ahaa inaysan ka mid noqon baarlamaanka.

Fadhiga uu maanta yeelanayo baarlamaanku Soomaaliya ayaa wuxuu sidoo kale kusoo beegmayaa iyadoo ay xaaladda Muqdisho tahay mid aan wanaagsanayn, iyadoo sidoo kale aan lagu dhawaaqin ra'iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya