4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 23, 2012
Dhakhaatiir Reer Kuweyt ah oo Hawlo Caafimaad ka billaabi doono Isbitaal ku yaalla Boorama oo si weyn loosoo dhaweeyay
Axad, September 23, 2012 (HOL) — Wasiirradda Caafimaadka iyo Beeraha Somaliland ayaa soo dhaweyey 11 dhakhtar oo reer Kuwayt ah oo u yimid Somaliland sidii ay qaliinno kala duwan u sameyn lahaayeenm kuwaasoo shaqadooda ka billaabi doona Isbitaalka Al-Xayaat oo ku yaalla magaalada Boorame ee xarunta gobolka Awdal.

Dhakhaatiirtan oo shan maalmood joogi doonaa, ayaa munaasibad soo dhoweyn ah loogu sameeyey magaaladda Boorama, kaas oo ay ka soo qaybgaleen maamulka Jaamacadda Cammuud, Masuuliyiinta cisbitaalka Al-xayaat, Madaxda Ha’yada Cammuud Foundation iyo maamulka gobolka.

Madaxa Cisbitaalka Al-xayaat, Maxamed Xuseen Fariid, ayaa si weyn u soo dhaweeyey dhakhaatiirtan hawlaha caafimaad ka fulin doono magaaladda  Boorame oo baahi weyn loo qabay, isagoo tilmaamay in dad badan oo meelo kala duwan ka yimid isdiiwaangeliyeen, kana faa’iidaysan doonaan hawl-galkaasi caafimaad.

madaxa hay’ada Camuud Foundation Maxamuud Faarax Cigaal oo isna madasha ka hadlay, ayaa sheegay in ay hay’ada Amuud Foundation ay dadaal u gashay dhismahii cisbitaalkan oo loogu tallo galay in dadka lagu daweeyo, sidoo kale dhaqaatiirtan Kuwait ee ay keeneen ay ugu tallo galeen inay wax ka qabtaan dawaynta dhinaca qaliinada ah ee ay baahidoodu ka jirto.

“Cid gaar ahi ma laha cisbitaalkan waxa iska leh bulshada, hadii aan wax wada qabsana wax badan ayaan qabsan karnaa, waxa intaasi dheer dhakhaatiirtani uma iman oo kaliya inay wax daweeyaan, balse waxa ay soo saari doonaan jiilkii bari na bedeli lahaa,” ayuu yidhi madaxa hay’ada samafalka ee Camuud Foundation Mr: Cigaal.

“Waa astaan horumar muujinaysa oo gobolka ka hana qaaday, sidaasi aawadeed waxa aan xukuumad ahaan diyaar u nahay inaan qaybtayada ka qaadano talaabo walba oo horumar ee dalka ka socota”ayuu yidhi WasiirkaWasaarada Beeraha ee Somaliland Md. Faarax Cilmi Geedoole oo kamid ah wasiiradii soo dhoweeyey dhakhaatiirtan, waxaanu u mahadnaqay cid kasta oo kaalin ka qaadatay keenista dhakhaatiirtan.

 Wasiirka Wasaarada Caafimaadka ee Somaliland Dr. Xuseen Maxamud Muxumed (Xuseen Xoog) oo isna munaasibadan soo dhawaynta ka hadlay, ayaa sheegay in wasaarad ahaan aad usoo dhoweynayaan hawlaha caafimaad ee dalka ka socda, isagoo amaanay hawlaha caafimaad ee dhakhaatiirani wadaan.

“Waxaan jeclaan lahaa in la karaameeyo dhakhaatiirtan oo si balaadhan loo qaabilo si mug lehna loo ii sagootiyo, hadii taasi suurawdo dareenka ay ka qaataan halkaasi ayaa waxa uu noqon doonaamid mar labaad u horseeda inay ku soo laabtaan dalka, waxaana aan u mahad naqayaa dhakhaatiirtan iyo Camuud Foundation oo ka oo shaqaysay imaatinkooda”ayuu yidhi Xuseen Xoog wasiirka wasaaradda Caafimaadka.

Sidoo kale, waxa halkaasi ka hadlay Gudoomiye ku xigeenka jaamcadda Camuud, hormoodka kuuliyadda Caafimaadka ee jaamacadda Camuud, Maayar ku xigeenka Boorame Mumin Gadiid iyo Badhasaabka gobolka Awdal Axmed Xadi Sicdi, waxaanay dhamaantood ka marag kaceen baahidda loo qabo dhakhaatiirtan, iyagoo u mahadnaqay dadkii ka soo shaqeeyey iyo dhakhaatiirta hawlaha caafimaad ee qaliinadda culculisi ku jira ka bilaabi doono magaaladda Boorame.

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland