4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 23, 2012
Munaasabad lagu taageerayay dowladda Soomaaliya oo Katrineholm ka dhacday


Axad, september 23, 2012(HOL): Munaasabad si weyn loo soo agaasimay oo ay ka qeybgaleen dad aad u faro badan, isla markaana lagu taageerayay dowladda cusub ee Soomaaliya ayaa ka dhacday Magaalada Katrineholm ee dalka Sweden.

 

Munaasabaddan ayaa waxaa ka hadlay dad aad u badan kuwaasi oo cabbiray dareenkooda ku aaddan sida ay u arkayaan marxaladda uu dalka soomaaliya ku jiro, iyagoo si weynna u soo dhaweeyay dowladda aan KMG ahayn ee ay Soomaaliya yeelatay.

 

Ugu horreyn waxaa munaasabadda ka hadlay Maxamuud Aadan Masagawaay oo ku hadlayay magaca dadkii soo qabanqaabiyay munaasabadda, wuxuuna u mahadceliyay dadkii ka soo qeybgalay munaasabadda oo uu sheegay in ay ka kala yimaadeen gobollo kala duwan oo dalka Sweden ka mid ah iyo dalalka Sweden la deriska ah.

 


Intaas kaddib Masagawaay waxaa uu sheegay in munaasabadda ay u qabteen in ay taageeraan dowladda cusub ee Soomaaliya, gaar ahaan madaxda tayada leh ee loo doortay, wuxuuna madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud u rajeeyay in uu Allaah u fududeeyo xilka loo doortay.

 

Sidoo kalena wuxuu bogaadiyay madaxweynihii hore Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo uu halyeey Soomaaliyeed ku tilmaamay, isagoo xusay in Shiikh Shariif iyo xukuumadihii la soo shaqeeyay ay soo gaarsiiyeen dalka meel ay dadka soomaaliyeed dhammaantood ku niyad-san yihiin.

 


Suldaan Cali Cabdullaahi ayaa isna munaasabadda ka hadlay, wuxuuna salaan kaddib soo jeediyay in Soomaalida dibadaha ku nool ee sameeya xafladaha taageerada ah in ay ku daraan taageeradooda afka mid la taaban karo oo noqon karto in ay dib u dhiska dalka ka qeybqaataan, dhaqaalena ay ku bixiyaan, ugu yaraanna wuxuu tusaale u soo qaatay in qofka uu bixin karo bishiiba saacad kaliya ku shaqeeyo.

 

Wuxuu sheegay in uu dhawaan Muqdisho ka yimid, isla markaana ay u muuqato in aysan islahayn xafladaha lagu taageerayo dowladda iyo waxa dalka ka jira, dalka wuxuu u baahan yahay in uu dib u soo kabto, waxaana qof walba la gudboon in ay wixii karaankeeda ah ku bixiso ayuuna hadalkiisa ku sii daray Suldaan Cali Cabdullaahi

 


Sidoo kale waxaa munaasabadda ka hadlay Yaasiin Cabdi Maxamed (Yaasiin Bulsho), wuxuuna sheegay in dadka Soomaaliyeed ay maanta heystaan dowlad ay hoggaaminayaan dadkii aqoonta lahaa, wuxuuna caddeeyay in dadka Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay garab istaagaan dowladda, si ay ugu sahlanaato in ay howsha u taalla si sahlan u gudato.

 

Wuxuu soo dhaweeyay Yaasiin Bulsho fikradda ah in dadka Soomaaliyeed ee dibadaha u soo baxay ay dhaqaale ku kaalmeeyaan, waxayna sidaas ku sameyn karaan ayuu yiri iyagoo isu abaabulamaya qaab jaaliyadeed oo kale kaddibna iska uruurinaya dhaqaalaha ay dowladda ku kaalmeynayaan.

 

Baarliin Maxamed Cadaawe oo ka mid ah siyaasiyiinta Magaalada Katrineholm ayaa munaasabadda ka hadashay, waxayna ugu horreyn u mahadcelisay guddigii soo qabanqaabiyay xafladda lagu taageerayo dowladda Soomaaliya.

 


Baarliin oo dhawaan ka soo laabatay magaalada Muqdisho ayaa indhaheeda ku soo aragtay isbedelka siyaaso-amni-dhaqaale ee Soomaaliya ka bilowday, waxayna ka codsatay dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwii la hadleysay in ay taageeraan isbedelkaas.

 

Si gaar ah waxay u codsatay in la taageero ciidamada qalabka sida oo daryeel u baahan si ay u gutaan waajibaadka la saaray ee ah in ay amniga dalka sugaan, waxayna carrabka ku dhufatay in ay jiraan guddi haween ah oo ay iyadu xubin ka tahay, kuwaasi oo isugu tegay in ay sanduuq dhaqaale uruurin ah u sameeyaan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

 

Intaas kaddib Baarliin waxaa ay ammaantay waxqabadkii Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo ay ku tilmaantay geesi dalkiisa iyo dadkiisa u soo baxay xilli dalka uu ku jiray marxalad adag, waxayna caddeysay in aysan dadka soomaaliyeed illoobi doonin wixii uu qabtay, taariikhna uu u reebay.

 


Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo ay ugu hambalyeysay xilka loo doortay ayay ka codsatay in uu soo magacaabo ra’iisal wasaare karti leh oo soo dhisa xukuumada awood u yeelata in ay horay u sii waddo isbedellada ka jira dalka Soomaaliya.

 

Prof. Culumo C/llaahi Hilowle ayaa iyaduna ka hadashay munaasabadda, waxay ugu horreyn bogaadisay dadkii munaasabadda ka soo qeybgalay, kaddibna waxaa ay ka hadashay dowladda cusub ee Soomaaliya, taasi oo ay ku tilmaantay in ay tahay mid ay dadka Soomaaliyeed haddii Alle uga bixi doonaan dhibaatadii ay muddada dheereyd ku soo jireen.

 

Sidii dadkii ka horreeyayba u xuseen, waxay ka dhawaajisay in madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed uu wax weyn ka soo qabtay dalka Soomaaliya oo aad looga niyad-jabsanaa halka uu joogay markii xilka madaxweynenimada loo dooranayay, waxayna tilmaantay in aaney dadka Soomaaliyeed illaawi doonin wixii uu soo qabtay.

 

Madaxweynaha cusub Xasan Shiikh Maxamuud ayay ugu hambalyeysay xilka loo doortay kaddibna waxay ka codsatay in uu la soo baxo karti hoggaamineed oo dalka iyo dadka horay u sii wadda, uuna dib u soo nooleeyo kaabayaashii dhaqaalaha, sidoo kalena uu sare u qaado tacliinta maadaama uu muddo dheer ka soo shaqeynayay tacliinta.

 


Xasan Maxamed Jeesto oo kayimid magaalada Västerås ayaa wuxuu soo dhaweeyay xafladaha tirada badan ee lagu soo dhaweynayo dowladda cusub ee Soomaaliya, gaar ahaan madaxweynaheeda, wuxuuse sheegay in taasi bedelkeeda uu ka jeclaan lahaa in taageero muuqata lagu daro xafladaha, isla markaana ay dhaqaale ahaan la taageero dowladda. Macno ma sameyneyso ayuu yiri in aan isugu nimaado xaflado sidaan oo kale ah, kaddibna aan iska kala tagno, dowladda  rabno in ay shaqeysana aan indhaha ka eeganno.

 

Siyaasiga Yaasin Maaxi Maxamuud oo ka mid ahaa musharrixiintii tirada badnaa ee isu soo taagay xilka madaxweynenimada Soomaaliya ayaa isna munaasabadda ka hadlay, wuxuuna ugu horreyn u mahadceliyay dadka Soomaaliyeed kuwii taageeradooda siiyay, gaar ahaanna Soomaalida Katrineholm oo uu sheegay in ay si weyn u taageereen.

 

Intaas kaddib Yaasiin Maaxi waxaa uu sheegay in uu dhawaan ka soo laabtay Muqdisho, isla markaana uu ku soo arkay isbedello waa weyn oo dhinac walba leh, wuxuuna caddeeyay in haddii la taageero dowladda hadda jirta in lagu guuleysan karo in horay loo sii socdo, isla markaana aanan dib loo noqon.

 


Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayuu ka hadlay wuxuuna sheegay in uu yahay shakhsi isa soo barteen, isla markaana ay ka wada tirsanaayeen Isbaheysi isbedel-doon ah oo ay ku midoobeen xisbiyo badan, wuxuxuna sheegay in uu yahay madaxweynaha cusub mid ka bixi kara xilka loo doortay. 

 

Intii Xafladda ay socotay waxaa qadka taleefoonka uga soo qeybgalay Safiirka Soomaaliya u qaabilsan Midowga Yurub Danjire Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde), wuxuuna danjiruhu si weyn ugu mahadnaqay dadkii munaasabadda isugu yimid, kuwaasi oo uu ku bogaadiyay isku xirnaanta iyo wadaniyadda ay muujinayaan, wuxuuna u rajeeyay horumar iyo barwaaqo.

Col Maxamed Deeqow Macallin oo ka mid ah saraakiishii hore ee Booliska ayaa isna munaasabadda ka hadlay, wuxuuna talo ku bixiyay in la soo celiyo saraakiishii hor ee ciidamada, lana howlgeliyo, wuxuuna madaxweynaha ka codsaday in uu arrimaha amniga xoogga saaro, maadaama sida uu yiri amni la’aantiis waxba lagu qaban karin.

 


Sidoo kale waxaa munaasabadda ka hadlay dad kale oo ay ka mid ahaayeen Duqii hore ee Muqdisho C/llaahi Muuse Xuseen, C/llaahi Axmed Tarabbi, Axmed Soohaad, Xaaji Maxamed Maareeye Faarax Cali Macallin iyo dad kale oo badan, kuwaasi oo dhammaantood hadallooda ay isku meel ujeedeen, kuna saabsanaayeen taageerada dowladda cusub iyo u mahadcelinta madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed.



 


Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

[email protected]