4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 22, 2012
Xildhibaankii ugu horreeyay oo goor dhaweyd Muqdisho lagu dilay

Sabti, September 22, 2012(HOL): Waxaa goor dhaweyd magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya lagu dilay xildhibaankii ugu horreysay oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya, kaasi oo ay toogteen kooxo hubeysan.

 

Xildhibaanka la toogtay oo lagu mgacaabi jiray Xildhibaan Mustaf Xaaji Maxamed ayaa waxaa lagu toogtay xaafadda Cali Boolaay ee degmada Waaberi, waxaana sida aan wararka ku helnay toogtay afar qofood oo bastoolado ku hubeysan.

 

Xildhibaankan ayay wararku sheegayaan in uu  dhalay mid ka mid ah xaasaska  madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed, wuxuuna noqday xildhibaankii ugu horreysay oo ka tirsan 275-ka mudane ee Baarlamaanka Soomaaliya.

 

Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa bishii hore dhammaadkeedii lagu dhaariyay magaalada Muqdisho, waana xildhibaannadii ugu horreeyay oo aan meteleynin dowlad KMG ah.

 

Dilka Xildhibaankan ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dorraad qarrax ay dad badan ku dhinteen uu magaalada Muqdisho ka dhacay, kaasi oo ay ku dhinteen wariyayaal, shaqaale ka tirsanaa shaqaalaha dowladda Soomaaliya iyo dad rayid ah.Sidoo kalena shalay subaxdii magaalada Muqdisho lagu dilay Wariye Xasan Yuusuf Absuge.

 

Amni darrada ka billaabatay magaalada Muqdisho ayaa imaanaya iyadoo weli aanu madaxweynaha Soomaaliya soo magacaabin Ra’iisal Wasaare soo dhisa Xukuumada howsha kala wareegta xukuumaddii hore, waxaana muuqda bannaanaasho dhinaca amniga ah.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

[email protected]