4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 22, 2012
Ergayga Midowga Afrika ee Somalia oo sheegay inay ciqaabayaan Askarigii AMISOM ka tirsan oo lagu helo inuu Shacab dhibaateeyay

Sabti, September 22, 2012 (HOL) — Ergayga ururka Midowga Afrika ee arrimaha Soomaaliya, dajire Abuubakar Gaoussou Diarra ayaa sheegay inay ciqaabayaan askarigii ka tirsan ciidamada AMISOM ee lagu helo inuu dhibaato u geystay shacabka, isagoo ugu baaqay ciidamada kale ee Soomaaliya ku sugan in iyaguna aysan dhibaateyn shacabka.

Danjire Diarra ayaa intaas ku daray in ciidamada AMISOM ay kula taliyeen inaysan dhibaatooyin u geysan shacabka, sidoo kalena ay yareeyaan dhibaatooyinka kasoo gaara shacabka howlgallada ay kawadaan gudaha Soomaaliya.

"Dhankeena, waxaa baari doonnaa warbixin kasta oo ku saabsan dhibaatooyin ay ciidamada AMISOM u geystaan shacabka, askarigii arrintaas lagu helana waxaan marsiin doonnaa ciqaab adag," ayuu danjire Diarra ku sheegay warsaxaafadeed uu soo saaray.

Sidoo kale, ergaygu wuxuu sheegay in AMISOM ay ku guuleysatay qorshaheeda ah inay yareyso dhibaatooyinka shacabka kasoo gaaraya howgallada ay nabadda kusoo celinayso, kuwaasoo ay qayb ka tahay inay dhisto guddi dabo-gal ku sameeya dhibaatooyinka shacabka loo geysto, guddigaasoo ay aqoosan yihiin golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo hay'adaha u dooda xaquuqda aadanaha.

"Waxaan kula talinaynaa ciidamada kale ee ku sugan Koonfurta Soomaaliya inay ku dadaalaan sidii ay u yareyn lahaayeen dhibaatooyin shacabka soo gaara," ayuu yiri ergayga Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Danjire Abuubakar Diarra, ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay dadka Kismaayo uga barakacaya cabsi ay ka qabaan dagaallo ka dhaca magaaladaas oo xarun u ah gobolka Jubbada Hoose.

"AMISOM waxay diyaar u tahay inay gargaarka bani'aadamnimo gaarsiiso dadka ku nool goobaha ay gacanta ku hayso," ayuu yiri danjire Abuubakar Diarra. Iyadoo ay ciidamada Midowga Afrika hadda gacanta ku hayaan dhul ay horay uga talin jirtay Al-shabaab.

Dajiruhu wuxuu sheegay in cidamada AMISOM ay qabaan tababar ku saabsan sida loo dhowro xuquuqda bani'aadamka, isagoo intaas ku daray inay ku dadaali doonaan in yareeyaan khasaaraha shacabka kasoo gaara goobaha colaadaha.

Ugu dambeyn, wuxuu sheegay in howsha AMISOM ay tahay in la xoojiyo ammaanka shacabka iyo in gargaarka bani'aadmanimo la gaarsiiyo goobaha laga saaray kooxda Al-shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya