4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 21, 2012
Wariyeyaashii ku geeriyooday Weerarradii Ismiidaaminta ahaa ee xalay ka dhacay Muqdisho oo Maanta la Aasayo

Jimco, September 21, 2012 (HOL) — Warieyaashii ku dhintay Qaraxyadii shalay ka dhacay Muqdisho ayaa lagu wadaa in maanta lagu aaso Muqdisho, iyadoo tani ay ka dhigayso tirada wariyeyaasha lagu dilay sannadkan Soomaaliya 12-wariye oo intooda badan ku dhintay Muqdisho.

Saddex wariye oo laba ka mid ah ka tirsanaa idaacadda iyo telefishinka dowladda ayaa ku dhintay qaraxyadii ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay Muqdisho, iyadoo tiro kale oo wariyeyaal ahna ay ku dhaawacmeen.

"Aaska weyn ayaa loo sameyn doonaa wariyeyaashan, runtiina waa mid aad looga xumaado in wariyeyaasha iyo dadka shacabka ah la beegsado," ayuu yiri mas'uul ka tirsan warbaahinnada ka howlaga Muqdisho.



Wariyeyaasha dhintay ayaa waxay kala ahaayeen: Cabdiraxmaan Yaasiin oo ahaa agaasimaha idaacadda VOD, Liibaan Cali Nuur iyo Cabdisataar Daahir Sabriye oo ka tirsanaa iyaguna idaacadda iyo telefishinka dowladda Soomaaliya.

Xarakada Al-shabaab oo lagu eedeeyay weerarradan oo ahaa kuwo ay fuliyeen laba nin oo waxyaabaha qarxa isku soo xiray ayaan weli ka hadlin, balse mas'uuliyinta dowaldda ayaa ku adkeysanaya inay ahaayeen weerarradan kuwo ay Al-shabaab soo abaabushay.

Tan iyo sannadkii 2009 ayaa waxay noqonaysaa markii ugu horreysay oo saddex wariye ay ku dhintaan hal goob oo qaraxyo lagu weeraray, iyadoo la xusuusto in dhowr wariye ay ku dhinteen qarax ka dhacay hoteelka Shaamow ee Muqdisho.

Dhanka kale, dadkii shacabka ahaa ee iyaguna ku dhintay weerarka ayaa lagu wadaa in maanta qaarkood lagu aaso Muqdisho, halka kuwo kalena xalay siyaabo kala duwan loogu aasay degmooyinka Muqdisho qaarkood.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya