4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 21, 2012
Mareykanka oo hadlay Dagaallada Jubbooyinka ee Kenya ay ku doonayso inay ku qabsato Magaalada Kismaayo
Jimco, September 21, 2012 (HOL) — Dowladda Mareykanka ayaa ka hadashay dagaalka lagula jiro Al-shabaab ee ka socda Jubbooyinka, kuwaasoo lagu doonayo in lagu qabsado magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Kaaliyaha xogyahaha arrimaha dibadda ee Mareykanka u qaabilsan arrimaha Afrika Johnnie Carson ayaa sheegay in ciidamada Kenya ay sameeyeen horumar weyn oo ay ku doonayaan inay ku qabsadaan magaalada ugu weyn ee ku hartay gacanta Al-shabaab.

"Ciidamada Kenya waxay u muuqdaan kuwo horumar weyn ka sameeyay dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab, waxaana rumeysannahay in haddii magaalada Kismaayo ay qabsadaan ay tahay guul weyn oo ay gaareen ciidamada AMISOM," ayuu yiri Carson.

Sidoo kale, mas'uulkan u hadlay Mareykanka wuxuu sheegay in dagaallada ay Kenya ku doonayso inay ku qabsato Kismaayo ay qayb ka yihiin horumarka ay AMISOM ka sameysaynayso Soomaaliya, kuwaasoo lagu riixayo Al-shabaab.

"Waxaan aragnaa in magaalada Muqdisho oo ah caasimadda Soomaaliya ay gacanta ugu jirto dowladda Soomaaliya, laguna dhisayo baarlamaan uu dalku yeelanayo, sidoo kalena lagu soo doortay madaxda dalka, tanina waxay ka mid tahay guulaha ay gaareen ciidamaa AMISOM," ayuu Carson hadalkiisa ku daray.

Hadalka kasoo baxay sarkaalkan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo Al-shabaab ay sheegayso inay difaacanayso magaalada Kismaayo oo ah magaalada ugu weyn Koonfurta Soomaaliya oo ay gacanta ku hayaan, waxayna sheegeen inay dagaalami doonaan inta ay ka dhimanayaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya