4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 20, 2012
Labo Qarax oo khasaare nafeed geystay oo Muqdisho ka dhacay

Khamiis, September 20, 2012(HOL): Labo qarax oo ay geysteen labo ruux oo naftooda halligay ayaa waxay goor dhaweyd ka dhaceen  Baar lagu magacaabo Village oo ku yaalla meel u dhow gurigii hooyooyinka ee magaalada Muqdisho.

 

Labadan ruux oo waxyaabo qarxa isku soo xiray ayaa isku qarxiyay Baarka oo ay fadhiyeen dad aad u badan oo isugu jiray wariyayaal iyo dad kale oo u soo sheeko doontay, waxaana lagu soo warramayaa in qaraxa kadiib meesha lagu arkay dad qaraxa ku dhintay iyo kuwo ku dhaawacmay.

 

Xaaladda halka qaraxu ka dhacay ayaa aad u kacsan, waxaana la maqlayaa dhawaqa  rasaas ay ridayaan ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo soo gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay. Waxaa sidoo kale goobta soo gaaray gaadiidka gurmadka deg degta ah oo dhaawacyada ula cararay Isbitaallada Magaalada Muqdisho.

 

Wixii ku soo kordha warkan iyo khasaaraha rasmiga ah ee ay qaraxyadu geysteen kala soco halkan haddii alle idmo.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

[email protected]