4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 20, 2012
Madaxweynaha Soomaaliya oo Muqdisho kula kulmay Danjirayaal ka socday dalalka daneeyaha Arrimaha Soomaaliya

Khamiis, September 20, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kula kulmay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho dajirayaal ka socday 14 dal oo isugu jira Yurub iyo Mareykanka, isagoo sharraxaad ka siiyay howlaha u qorsheysan dowladda cusub ee Soomaaliya.

Kulankanka oo saacado qaatay ayaa waxaa markii lasoo gabgabeeyay saxaafadda la hadlay agaaasimaha warfaafinta ee madaxtooyada Soomaaliya, Suldaan Axmed Faarax isagoo sheegay in madaxweyaha uu sharraxaad ka siiyay safiirrada howlaha dowladda cusub horyaalla.

"Madaxweynuhu wuxuu u sharraxay danjirayaasha wajiga cusub iyo siyaasadda uu la imaanayo, meelaha uu xoogga saarayo iyo waxyaabaha looga baahan yahay inay beesha caalamka la timaddo," ayuu yiri agaasimaha wafaafinta madaxtooyada, isagoo xusay in madaxweynuhu uu ku boorriyay madaxdii uu la kulmay inay siyaasad ka duwan tii hore kula dhaqmaan Soomaaliya.

Danjirayaasha uu madaxweynuhu la kulmay ayaa waxaa ku jiray kuwo ka socday dalalka Faransiiska, Ingirisiiska, Denmark, Faransiiska, Spain, Mareykanka, Holland iyo kuwo kale, isagoo ku boorriyay inay gacan ka geystaan sidii lagu xoojin lahaa hay'adaha kala duwan ee dowladda Soomaaliya.


"Madaxweynuhu wuxuu wafdigan u sheegay in muhiimadda koowaad, labaad iyo saddexaad uu siinayo sugidda ammaanka, wuxuuna dalalka Yurub ku boorriyay inay sii wadaan taageeradii ay siin jireen shacabka Soomaaliyeed," ayuu agaasimuhu u sheegay warfidiyeenka.

Dhanka kale, Sudaal Axmed Faarax wuxuu sheegay in madaxweynuhu uu safiirrada u shaaraxay qorshaha dowladdiisa ee ku aaddan Al-shabaab, isagoo xusay inay la imaanayso dowladda qorshe ka duwan dagaal oo ah midka keliya ee lagula jiri jiray Al-shabaab.


"Madaxweynuhu wuxuu kaloo kala hadlay danjireyaasha in markii hore Al-shabaab lagula dagaalami jiray hal dhinac oo ahaa dagaal, balse hadda uu qorshe kale kusoo darayo, kaasoo ah in dhallinyarada Soomaaliyeed ay si gaar ah dowalddu ugu furi doonto barnaamijyo loogu sheegayo in in dalkan uu yahay dalkoodii oo aan loola dhaqmi doonin sida ajaanibta," ayuu agaasimuhu hadalkiisa ku daray.

Kulankan ayaa wuxuu noqonayaa kii ugu horreeyay oo uu madaxweynuhu wafdi intan oo kale ah kula yeesho Muqdisho, iyadoo madaxweynuhu uu dadaal weyn ugu jiro sidii uu kusoo magacaabi lahaa ra'iisul wasaare soo dhisa xukuumad tayo leh.







Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya