4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 2 , 2012
Xaflad Kooxda Fanka ee Horseed lagu Gudoonsiiyay Qalab Casir ah oo ka dhacday Xarunta Villa Baydhabo ee Muqdisho


Axad, September 02, 2012 (HOL) — Hay’adda cilmi-barista iyo wada-tashiga CRD ayaa shalay qalab faneed noocyadiisa kala duwan oo ay ku jiraan qaar casri ah waxay guddoonsiisay kooxda fanaaaniinta Horseed ee ciidamada qalabka sida.

Qalabkan ayaa la gudoonsiiyay kooxda Horseed, kaddib xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu qabtay Villa Baydhabo oo ah xarunta KMG ah ee ciidamda xoogga dalka, waxaana xafladaas goobjoog ka ahaa isla markaasna khudbado kala duwan ka jeediyay taliyaha ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed, Jen. Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini iyo maareeyaha golaha murtida iyo midadaalada Abwaan Cabdi-dhuux.

Taliyaha ciidamada xooga dalka, Jen. C/qaadir Diini ayaa ku dheeraaday muhimadda ay leedahay in dib loosoo nooleeyo kooxda fanka ee Horseed oo uu ku tilmaamay inay ahayd koox Qaran.

"Kooxda Horseed ma ahayn koox ciidan ee waxaa ay ahaayeen koox qaranka oo dhan ku guubabiso waddaniyadda, dal jacaylka iyo difaaca waddanka iyo dadka Soomaaliyeed," ayuu yiri Jen. Diini.

Maareeyaha golaha murtida iyo madadaalada, abwaan Cabdi-dhuux Yuusuf ayaa isaguna sheegay in fanku ka mid yahay tiirarka ummaddu ku taagsato marka ay horumar tiigsanayso.

Sidoo kale, waxaa munaasabadda hadal ka jeediyay madaxa hay’adda CRD, Jabriil Ibraahim Cabdulle oo kooxda Horseed ku wareejiyay qalabkii ay hay’adiisu ugu deeqday, kuna bogaadiyay inay horay u sii wadaan fankooda.

Jabriil ayaa sheegay in aanay ahayn markii u horreysay ee hay’addu ay qalab ku taageerto Kooxaha fanka Soomaaliyeed, balse ay horay hay’adda ugu qabatay kooxaha fanka Soomaaliyed barnaamijyo lagu soo nooleynayo fanka dalka.

Madaxa CRD wuxuu u ballan-qaaday dhamaan kooxaha fanka inay ugu deeqi doonaan qalab ceynkan oo kale ah, isla markaana ay diyaar u yihiin inay soo nooleeyaan fanka Soomaaliyeed.

Qalabkan la gudoonsiiyay kooxda Horseed oo ka mid ah kooxaha fanka Soomaaliyeed ayaa kusoo beegmeysa iyadoo golaha murtida iyo madadaalada ee National Theater uu ka socdo dayactir dib loogu dhisayo.




Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya